4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 16, 2016
SOYDEN: Waan taageeraynaa go'aankii maamullada dalka loogu celiyay liiska xubnaha Aqalka sare

/images/gallery/2016/sept/2016936360847130628603521.JPG
Axad, Oktoobar 16, 2016 (HOL) — Hay’adda SOYDEN oo Dhalinyarada Soomaaliyeed u ololeysa, ayaa War-murtiyeed ay soo saartay ku Taageertay Go’aankii Guddiga Hir-gelinta Doorashada Dadban ee dalka ee ay dib ugu celiyeen Maamul-goboleedyada liiskii xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia, Isla markaana looga dalbaday in qoondada dumarka ay ku muujiyaan liisaskooda.

“Waxaan soo dhaweynaynaa go’aankii gudiga hir-gelinta doorashada dadban ee sannadkan 2016-ka ay maamul-goboleedyada dalka ku fareen in liisaska Xubnaha Aqalka Sare ay soo waafajiyaan hanaanka doorashada sanadkan, isla markaana ay ka dhex-muuqato qoondada haweenka,” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka.

SOYED, waxay kaloo warbixinteeda ku sheegtay inay taageersan tahay in loo ilaaliyo sidii loogu heshiiyay qoondada haweenka, isla markaana la iska jiro in la haweenka la duudsiiyo kaalinta ay ku leeyihiin siyaasadda dalka.

“Hay’addu way soo dhaweynaysaa go’aanka guddiga doorashada dadban ee [FIEIT] ee ay liisaska ku celiyeen, si loo waafajiyo Hannaanka Doorasho ee dalka, loona qeexo qoondada haweenka. Go’aankaas waa mid geesinimo leh oo uu qaatay guddiga doorashada dadban ee sannadkan,” ayaa bayaanka ay Soyden soo saartay lagu yiri.

Ugu dambeyn, War-murtiyeedka kazoo baxay hay’adda SOYDEN ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay dhawaan Guddiga Doorashada Dadban ee dib ugu celiyeen maamul-goboleedyada liisaskii xubnaha Aqalka Sare ee ay soo gudbiyeen, kaddib markii guddigu sheegay inay ku yar yihiin haweenka lagu soo daray.

Haddaba, Halkan kasoo Rogo War-murtiyeedkan oo ku Qoran Luuqadda Ingiriiska;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya