4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 16, 2016
SAWIRRO: Taliyaha Ciidanka AMISOM iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Degmada Jowhar


Axad, Oktoobar 16, 2016 (HOL) — Wafdi uu Hogaaminayo Taliyaha Ciidanka AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle ayaa maanta gaaray Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe, Halkaas oo uu kula kulmay Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka Cusub ee Hir-shabeelle.

Xubnaha uu Jen. Subagle la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa; Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle, Saraakiil ka tirsan IGAD iyo Bulshada deegaanka.

Sidoo kale, Safarka Taliyaha AMISOM ee Jowhar ayaa lagu tilmaamay inuu salka ku hayo u kuur-gelidda Xaalada Amniga degmadaas iyo dooarshada la filayo in maalmahan lagu soo doorto Hoggaanka saree e Maamulkan Cusub.

Booqashadan ayaa imaanaysa iyadoo maalmo ka hor ay ciidammo gaar ah la wareegeen xaruntii shirku ka socday ee Jowhar, kaddib markii cabasho ay ka timid ka mid ah xubnaha isku soo taagay xilalka sare ee maamulkaas.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in la xallin doono gabi ahaan cabashooyinka jira, isagoo intaas ku daray inay la fariisanayaan cid walba oo cabasho qabta.

Ugu dambeyntii, Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socda dadaallo lagu doonayo in loogu Diyaar-garoobo Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Maamumlkaas oo dhawaan dhici doonta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya