4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 16, 2016
Haweeneydii Labaad iyo laba xubnood oo kale oo loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia


Axad, Oktoobar 16, 2016 (HOL) — Haweeneydii Labaad ee loo doortay inay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cusub ee Somalia, ayaa noqotay Jawaahir Axmed Cilmi, kaddib markii ay kaga adkaatay Doorashada xubnaha Aqalka Sare oo ka dhacday Cadaado oo ah xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug Musharraxii la Tartamayay.

Doorashada oo maalintii labaad maanta ka dhacday degmada Cadaado, ayaa Waxaa shalay kusoo baxay Shan xubnood oo uu ka mid yahay Jen. Cabdi Qaybdiid oo la sheegay in QM ay dalbatay in liiska laga saaro, maadaama uu ka mid ahaa dagaal-oogayaashii Soomaaliya.

Xildhibaanad Jawaahir Axmed, ayaa ku Guuleystay Kursiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka uga mid noqonaya maamulka Galmudug, iyadoo ka Adkaatay C/samad Macallin Max'uud oo kurisgan kula tartamayay.

Sidoo kale, Waxaa Xubnaha Galmudug ku meteli doona Aqalka Sare ee BF Soomaalia ku guuleystay Cabdi waaxid Cilmi Goon-jeed oo horay jagooyin kala duwan uga soo qabtay xukuumadihii dalka soo maray. Isagoo helay 64-cod, kana guuleystay musharraxadii kula taramaysay kursiga oo ahayd Aamino Cali Maxamed.

Dhanka kale, Waxaa isagana Aqalka Sare ee Baarlamaanka kusoo baxay Abuukar Axmed Xaashi oo ka adkaaday musharraxii kula tartamayay kursiga, isagoo noqnaya musharraxii siddeedaad ee kusoo baxa doorashada Aqlka Sare ee ka dhacday Degmada Cadaado.

Ugu dambeyn, Illaa hadda ayaa waxaa Doorashadii Aqalka Sare ee Cadaado ka socota ku guuleystay siddeed xubnood oo ahayd tiradii laga doonayay Maamulka galmudug, kuwasas oo kala ah; Jen. Cabdi Xasan Cawaale, Abshir Bukhaari, Axmed Cabdi Dhuxulow, Yuusuf Geelle Ugaas, Jawaahir Axmed Cilmi, Zam-Zam Daahir Maxamuud, C/waaxid Cilmi Goon-jeex iyo Abuukar Axmed Xaashi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya