4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 16, 2016
AL-SHABAAB: Waxaan gacanta ku dhigtay Diyaarad Drone ah oo ay kaamirooyin ku xiran yihiin


Axad, Oktoobar 16, 2016 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ay Gacanta ku dhigtay Diyaarad kuwa aan Duuliyaha lahayn ah oo ay ku Rakiban yihiin Kaamirooyinka wax lagu basaaso, taasoo shalay gellinki dambe ku soo dhacday deegaan 45-km Galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Diyaaradan oo ahayd nooca Drones-ka loo yaqaano ee Mareykanku leeyahay ayaanu weli Mareykanku ka hadlin, iyadoo inta badan Mareykanku uu duqeyn uu u adeegsanayo diyaaradahan ka geysto deegaannada ay gacanta ku hayso Al-shabaab ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa warar ay ku baahisay baraheeda Internet-ka ku sheegtay in in diyaaradaani ay soo dhacday xilli ay ku guda jirtay Hawl-gallo basaasid ah.

Al-shabaab intaas ku dartay in diyaaradda loo qaaday goob aan la garanayn, sidoo kalena waa markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay sheegto inay gacan ku dhintay diyaarad Drone ah oo ay kaamirooyin ku rakiban yihiin.

Dhanka kale, Deegaanka ay diyaaraddani kusoo dhacday oo lagu magacaabo Qudus ayaa shacabka ku nool waxay sheegeen inaysan burbur xooggan soo gaarin diyaaraddan Drone-ka ah.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Mreykanka ayaa saldhigyo Qarsoodi ku leh qaar ka mid ah deegaannada Soomaalida, kuwaasoo ay ka abaabusho duqeynta ay inta badan ka geysto gudaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya