4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 16, 2016
Xaaladda Magaalada Gaalkacyo oo daggan kaddib iska-horimaadyo ka dhacay Shalay iyo Xalay


Axad, Oktoobar 16, 2016 (HOL) — Xaalad magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa maanta daggan, kaddib iska-horimaadyo kooban oo ka dhacay xalay iyo shalay, kuwaasoo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Deegaan dhanka galbeed kaga began magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku dagaalamay shalay ciidammo kala taabacsan Galmudug iyo Puntland, iyadoo ay ku dhinteen laba qof ayna ku dhaawameen afar kale oo labada dhinac ka kooban.

Sidoo kale, Is-rasaaseyn kooban ayaa xalay bartamaha Gaalkacyo ku dhex-martay ciidammada labada maamul, xilli ay socdaan dadaallo la donayo in lagu dhex-dhexaadiyo labada maamul, laguna dhameeyo colaadda ka dhex-oogan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Axmed Garaash ayaa DF Soomaaliya ku eedeeyay inay ciidammo u soo dirtay Gaalkacyo, si ay dagaalka garab ugu siiyaan ciidamada maamulka Puntland, balse dowladda federaalka ayaan jawaab ka bixin hadalkan.

Ugu dambeyn, Hay’adda UNHCR ayaa shalay sheegtay in 11-qof lagu dilay dagaallada soo laalaabtay ee degmada Gaalkacyo ka socda, kumannaan qof oo kalena ay ku baraceen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya