4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 16, 2016
Wacyigalin caafimaad oo laga sameeyay Minnesota Mareykanka

Axad, Oktober 16, 2016 (HOL)-Bravia waa hayad caafimaad oo ka jirta Mareykanka kana shaqeysa arimaha caafimaadka.

Hayada Bravia ayaa sidoo kale sare u qaada wacyigalinta kusaabsan arimaha caafimaadka gobolo badan oo dalkaa ah. Hayada Bravia ayaa khaas ahaan ka shaqeysa sare u qaadida wacyiga la xiriira amuuraha caafimaadka ee Soomaalida reer Mareykanka ah khaas ahaan Soomaalida ku dhaqan Minnesota.

Hayadaasi Bravia ayaa shalay wacyigalin caafimaad sidii caadada ahayd mar kale ka samaysay Minneapolis oo ka tirsan gobolkaasi Minnesota ee cariga Mareykanka.

Waxay sidoo kale bixisay tababaro ay ku bareysay Soomaalida gobolkaa adeegsiga kaararka caafimaadka ee dawladu bixiso.

Bravia waxay sidoo kale bartay kulana talisay macaamiisheeda siminaarkaa kasoo qeybgalay sida ugu wacan ee ay u xulan karaan caymiska caafimaadka ee u habboon.

Si kastaba ha ahaatee tababarka iyo wacyigalintaa oo shalay soo bilawday ayaa socon doona markaan ilaa beri-waa saddex maalmood.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]