4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 15, 2016
Bandhigga Todobaadka Dhaqanka Soomaalida oo galay maalintii saddexaad

Sabti, Oktober 15, 2016 (HOL)-Bandhigga Todobaadka Dhaqanka Soomaalida [Somali Heritage Week] ayaa maanta galay maalintiisii saddexaad asagoo haatan oo aanu warbixintaan qoreyno si saami ah uga socda Kenya Cultural Centre, Nairobi Kenya.

Waxaa lagu soo bandhigayaa farshaxan, cunto Soomaali, dhaqanka, buugaag dhaqanka ku saabsan iyo suugaan gaar ahaan gabayo. Waa waayo aragnimo aan la ilaawi karin.

Kasokow arimahaa aan soo xusnay waxaa sidoo kale socda wadahadalo dood wadaag ah oo ay ka qeyb qaadanayaa dad isbaddal wanaagsan bulshada dhexdeeda had iyo jeer ka dhaliya. "Isbaddal wuxuu un kusaabsan yahay baniaadminimo' ayay tiri Balqiis Cabdi oo dadka dood wadaaga ka qeyb qaadanaya ka mid ah.

Waxaa intaas dheer in dhaqanka Soomaalida ee gaar ahaan bandhiggaa lagu soo bandhigaayo looga gol leeyahay in loo isticmaalo buskeynta dadka Soomaalida ah ee dhibaatooyinku daashadeen mudada rubac qarniga ka badan.

"Dhaqanka Soomaalida waxaa astaamo u ah geela, geedka quraca ah (Quraca Nabadda) oo lagu dhaliyo nabadda, iwm". Sidaa ayaa bandhigga lagu xusay maanta.

Bandhigga ayaa waxaa soo abaabulay maamulka Xarunta Dhaqanka ee Aw-Jaamac Cumar Ciise ee xaafada Islii ee caasimada Kenya ee Nairobi oo xubnihiisa ay ugu horeeyaan Fardowsa Carabey, Maxamed Xasan, Salmaan Saciid, Cabdi Gaab iyo Maxamuud Axmed Musa-Xaaji Gool iyo masuuliyiin kale too badan.

"Soomaaliyay aan buuggaan aqrino.Waxaa qoray Sheekh C/Raxmaan Maxamed Shabiin.Waxaan idiin sheegayaa oo kale in mar dhow ciyaartii noo bilaabanayso marka ha taginina". Ayay tiri Marwo Fardowsa Carabey oo ka hadleysay bandhigga maanta. 

"Anaguna waxaan aad iyo aad u tixgalinaa dadku inay wax aqriyaan. Taasina Waa sababta aanu bandhigga buugaagta u samaynay.Waxaan rabnaa in gaar ahaan dadku af Soomaaliga aad u aqriyaan. Shaki iyo Shalaay waxaa inoo qoray Qoraa Maxamed Nuur Shire".  Sidaa ayay tiri Marwo Fardowsa Carabey mar ay bugaagtii halkaa lagu soo bandhigay qaar ay dadka faalo kooban oo ku saabsan u aqrinaysay.

"Kana waxaa noo qoray Maxamed Xasan oo aad aad u taqaanaan oo ka mid ah dadkii wax ka aasaasay xarunta Aw-Jaamac Cumar Ciise". Intaana way ku dartay Marwo Fardowsa Carabey.

Buugaagtii kale ee halkaa lagu soo bandhigay oo aad u badnaa qoraayada qoray hadii hal iyo labo ama saddex kale aan ka sheegno waa Axmed Faarax Cali Idaajaa, Andrwe Harding oo caasimada Muqdisho buug ku saabsan qoray iyo Abwaan Cawsgurow.

Martida makarafoonka waxaa ka qeybgalay Maxamed Cadoow oo ah wariye Soomaaliyeed oo caan ah kana shaqeeya talefishinka Aljazeera, Barafasoor Warfaa oo ah barafasoor Soomaaliyeed iyo Betty Waitharero oo iyana ka shaqeysa arimaha bin aadaminimada ahna qoraa iyo soo saare barnaamij ama qof sameeya documentaries.

Waxyaabihii soo jiidashada lahaa ee maanta lasoo bandhigay ayaa waxaa kujiray farshaxanka sida dhiilaha, bireyaasha, raaraha, dermaha iyo badi agabka farshaxanka ee dhaqan ahaan Soomaalidu caanka ku tahay.

Waxaa sidoo kale halkaa laga muday aqal Soomaali si cajiib ah loo dhisay oo loo daalac naasilay iyo ardaagiisa.

Lama soo koobi karo waxyaabaha lagu soo bandhigay halkaa. Waxaa xusid mudan in ciyaaraha sida dhaantada iyo ciyaaro dhaqameedka kale iyo sheekooyin loogu tala galay dadka waaweyn oo murti leh lagu soo bandhigay.

Xataa waxaan laga tagin sheeko carruureed loo marinaayay carruur bandhigga la keenay si ay uga faaiideystaan murtida iyo maaweelada waxna ugala haraan.

Carruur iyo dad waaweyn oo ay kujireen odayaal dhaqameed xataa lagama tagin-odayaal dhaqameed badan ayaa soo xaadiray bandhigga.

Andrew Harding ayaa tilmaamo iyo talooyin siiyay gabdho Soomaliyeed oo weydiiyey qaabka ugu sahlan ee buug loo qori karo. Andrew waa qoraaga buuga The Mayor Of Mogadishu kasokow qoraanimadana waa weriye ka tirsan BBC-da xafiiskeeda Koonfur Afrika.

" Run ahaantii, Idaajaa waxaan dhihi karaa af Soomaligu wuu ku baxsaday  markay dowladii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay. YouTube-ka waxaad ka heli kartaa khaladaadka wariyeyaasha ay sameeyaan dhanka af Soomaliga asagoo ka saxaayo erayada qaar. Salaan sare ruug-cadaaa Idaajaa". Sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dadkii kasoo qeybgalay bandhigga oo la hadlay Hiiraan Online.

Marwo Fardowsa Jaamac (Marwo Fardowsa Carabey) ayaa yadu ah maskaxdii ka dambaysay bandhigga dhaqanka iyo hidaha Soomalida ee Nairobi ka dhacaya ayadoo muddo lasoo waday sanad walbana uu Nairobi iminka ka dhaco.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]