4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 15, 2016
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Cusub ee HIR-SHABEELLE oo la Magacaabay


Sabti, Oktoobar 15, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha dhawaan la Doortay ee Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle, Cismaan Barre Maxamed ayaa maanta sheegay in la magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeelle oo horay loo qoondeeyay inay maanta dhaacdo.

Xarunta Shirka lagu dhisayo maamul-goboleedka Hir-shabeelle, ayaa waxaa la wareegay shalay ciidammo abaabulan, kuwaasoo uu hoggaaminayay mid ka mid ah xubnaha isku soo taagay qabashada Hoggaanka Sare ee maamulka oo ku andacooday in fara-gelin lagu hayo dhismaha maamulka.

“Waxaan magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle iyo ku xigeenkiisa, Waxaanan Rajaynayaa in waqtiga loogu Talo-galay ay ku dhacaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamanka Hir-shabeelle oo Maanta wareysi siiyay Radio Goobjoog FM ee Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa xusay in guddigan ay fududeyn doonaan doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, isla markaana ay Diyaariyaan Warqadaha doorashada iyo kaararka ay ku codeynayaan xildhibaannada.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in Doorashada ay xilligeeda ku dhicayso, inkastoo uusan sheegin muddada ay dhici doonto, maadaama ay ahayd in maanta oo 15-ka bishaan Oktoobar ay dhacdo, balse ay u muuqato inay ka gudbayso.

Dhanka kale, Waxaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle wax laga weydiiyay cabashooyin ay muujiyeen wax-garadka deegaannada maamulkan loo dhisayo qaarkood, isagoo sheegay inay xallin doonaan cabasho walba oo jirta.

“Waxaan diyaar u nahay inaan xallino cabashooyinka jira, cid walba oo qabta cabashana ay la fariisan doonaan si wax looga qabto Cabashada ay Qabaan,” ayuu yiri guddoomiyuhu ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyntii, Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle ee uu ku sheegay in Cid walba oo Cabasho Qabta ay la Hadlayaan, ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan Wax-garad badan oo cabasho ka muujiyay qaabka dhismaha maamulka Hir-shabeelle.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya