4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 15, 2016
Haweeneydii u Horreysay oo loo doortay maanta Xubin Aqalka Sare ee Baarlamaanka [SAWIRRO]


Sabti, Oktoobar 15, 2016 (HOL) — Haweeneydii u horreysay oo loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa noqotay, Zamzam Daahir Maxamuud oo aqalka sare ku meteli doonta maamulka Galmudug, kaddib markay Doorashadii kaga Guuleysatay musharraxii xilka kula tartamayay oo ahaa, Khaliif C/qaadir Macallin Nuur.

Zamzam Daahir, ayaa waxay ka mid ahayd xubnihii ku Tartamayay Kursiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka, kuwaasoo uu dhawaan liiskooda soo saaray Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale, Waxaa isagana Doorashada Aqalka Sare ee Maamulka Galmudug kusoo baxay Yuusuf  Geelle Ugaas, isagoo noqonaya musharraxii shanaad oo ku guuleysta in loo doorto Aqalka Ssare ee Baarlamaanka ku metelaya Maamul-goboleedka Galmudug.

Dhanka kale, Xubnihii horay xilalka u guuleystay ayaa waxaa ka mid ah; Jen. Cabdi Xasan Cawaale [Qaybdiid], Abshir Bukhaari iyo Cabdi Axmed Dhuxuloow [Dheg-dheer], kuwaa oo tartamo adag la galay xubno kula tartamayay kuraasta at heeleen.

Ugu dambeyntii, Waxaa weli socota Doorashada Xubnaha Aqalka Sare oo laga doonayo in Galmudug ay kasoo baxaan Siddeed Xubnood oo isugu jira Rag iyo Haween, inkastoo illaa hadda ay soo baxday Gabadh keliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya