4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 15, 2016
Shir looga hadlay Xoojinta Awoodda Siyaasadda ee Haweenka oo lagu qabtay Masar (SAWIRRO)

Sabti, Oktoobar 15, 2016 (HOL) — Shirka Haweenka Afrika oo ay soo qaban-qaabiyeen Guddiga Haweenka Baarlamanka Afrika oo ay shir-gudoomiye ka ahaayeen Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Afrika, Safiya Cilmi Jabril iyo Gudoomyaha Guddiga Haweenka ee Pan African, Aishata Xaydara ayaa waxaa ka qaybgalay Haween isugu jiray Xildhibaanno iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah oo ka socdy dhammaan Dalalka xubnaha ka ah Pan African.

Idil C/qaadir Xuseen oo ka mid ah Haweenka Ururrada Bulshada Rayidka ee Soomaaliya oo ka warbixisay shirkan, ayaa tilmaamtay in kulanka intii uu socday la isku weydaarsaday Qodobbo ay ka mid ahaayeen; sidii Haweenku ay uga Qayb-qaadan lahayeen Siyaasadda Afrika iyo sidii ay tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda u heli lahaaeen.

Sidoo kale, Canab Maxamed oo ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ee ka qayb-galaysay dooda shirka oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay inay shirkaan ku falan-qeenayeen heshiis ku saabsanaa Arrimaha Haweenka oo ay Afrika ku gaartay Magaalada Maputo ee Xarunta Mozambique, kaasoo dhigaya in Haweenka laga qayb-geliyo Talada Dowladaha iyo Xoojintooda.

Xildhibaan Cabdala Barqad oo ka mid ahaa xildhibaannadii Goob-jooga ka ahaa kulankan Haweenka Afrika oo Warbaahinta uga Warbixinayay Kulanka Haweenka ee Sannadkaan lagu qabtay Magaalada Sharma Sheikha ee waddanka Masar ayaa sheegay in looga baahan yahay Ragga inay qayb ka qaataan sidii haweenka loo horumarin lahaa, loona ilaalin lahaa xuquuqdooda, Wuxuuna intaas ku daray in dumarku ka shireen sidii loo meel-marin lahaa Ajandaha Sannadka 2063-ka ee Ururka Midowga Afrika uu ku heshiiyay kaasoo ahaa in la xoojiyo horumarinta iyo dareelkooda Haweenka Afrika.

Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Afrika Safia Cilmi Jibril oo shirka Haweenka Afrika, ayaa sheegtay inay farxad u tahay in ay Shir-gudoomiso shir Dumarka Afrika oo dhan isugu timid, iyadoo intaa ku dartay in shirkaan looga hadlayay sidii wax loogu qaban lahaa haweenka iyo Carruurta Afrika ee dhibaatooyinka Gaajada iyo Dagaallada dib udhac badan ku sameeyeen.

Ugu dambeyn, Shirkan oo socday laba maalmood ah qaybna ka ahaa shirka baarlamaanada Afrika uga socda Magaalada Sharma-Sheikh ee dalka Masar, ayaa waxaa laga soo saaray aragti mid ah oo ay haweenka ku jira Dowladaha iyo kuwa bulshada rayidka ah dalalkooda ula noqonayaan, si Waddamada Heshiiskii Maputo Saxiixay iyo kuwa aan saxiixin ay uga shaqeyn lahaayeen dardargalinta horumarinta Haweenka iyo Carruurta.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Sharma Sheikh, Dalka Masar