4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 15, 2016
Hay’adda UNHCR oo ka Warbixisay Khasaaraha ka dhashay Colaadaha ka Taagan Gaalkacyo

Sabti, Oktoobar 15, 2016 (HOL) — Hay'adda Qaramada Midoobay ee Qoxootiga Dunida UNHCR, ayaa sheegtay in 11-qof lagu Dilay, tiro kalena lagu dhaawacay Dagaallo Muddo Toddobaad ah ka socday Xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo, kuwaasoo u dhexeeyay Galmudug iyo Puntland.

Dagaalkan, ayay hay'adda UNHCR ku sheegtay inay ku barakeceen tiro dad ah oo gaaraya 50,000 oo qof, kuwaasoo ay xustay in baqdin ay Colaadahan ka qabaan uga carareen guryahooda iyo deegaankooda.

Sidoo kale, Xiisadda u dhaxaysa labada maamul, ayaa kacsanayd tan iyo markii maamulka Galmudug ay ku eedeeysay Puntland inay macluumaad Qalad ah u Gudbisay Mareykanka oo markii dambe duqeeyay ciidammo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug.

Xukuumadda Washignton ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto duqeymahan iyo khasaaraha ka dhashay, iyadoo sidoo kalena uu safiirka Mareykanka ee Somalia la kulmay waxgaradka iyo madxda labada maamul.

Maamullada Galmudug iyo Puntland, ayaa sidoo kale ku muransan Magaalada Gaalkacyo qaybo ka mid ah, taasoo u kala qaybsan labada maamul, waxaana dagaalka hadda socda uu ka dhashay dhul ku yaalla galbeedka magaalada oo lagu mursan yahay.

Ugu dambeyn, Ra'iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid, ayaa billaabay dadaallo lagu joojianyo Colaadda Gaalkacyo, wuxuuna socdaal nabadeed uga billowday Galmudug iyo Puntland oo ay u dhaxayso colaadda haatan ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya