4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 15, 2016
Jen. Qaybdiid, Axmed Dhuxulow iyo Abshir Bukhaari oo kusoo baxay Liiska Aqalka sare ee Galmudug


Sabti, Oktoobar 15, 2016 (HOL) — Iyadoo maanta doorashada xubnaha uga qayb-galaya maamulka Galmudug Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa kusoo baxay xubno ay ka mid yihiin; Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Axmed Cabdi  Dhuxuloow oo loo yaqaan [Dheg-dheer] iyo Abshir Bukhaari.

Xubnahan la doortay, ayaa waxay ka guuleysteen xubno la tartamayay uu Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ku yeelanayo Maamulka Galmudug, waxaana sidoo kale kursigiisii waayay C/qaadir Macallin Nuur Maxamed Siyaad.

Doorashadaan, ayaa waxaa ku tartamayay xubnihii liiska dhawaan uu liiska ku soo saaray Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana uu noqonayaa Galmudug maamulkii ugu horreeyay oo qabtay Doorashooyinka xunaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Galmudug.

Haddaba, wixii kusoo kordha Warkaan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya