4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 15, 2016
SAWIRRO: Dhakhaatiir badan oo ka Qalin-jebisay Kuliyadda Caafimaadka Jaamacadda Banaadir

Sabti, Oktoobar 15, 2016 (HOL) — Dhakhaatiir Tiradoodu gaarayso 155 ayaa ka Qalin-jebiyay kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir ayaa xaflad loogu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo dhaqaatiirtan ay yihiin dufcadii 9aad ee ka qelin jebisay.

Munaasabadan oo aheyd mid ardayda qelin jebisay oo kooxo badan loo qeybiyey ay ku difaacanayeen buugga qelin jebinta ayaa waxay ku soo bandhigeen cilmi baarisyo dhowr bilood socday oo ay ka sameeyeen xaaladaha dhinaca caafimaadka ee ka jira qaar ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabadan ka qeyb galay Masuuliyiin iyo macalimiin ka tirsan Jaamacadda Banaadir, ardayda difaacaneysay buugga qelin jebinta, aqoonyahano, iyo marti sharaf kale.

Hormuudka Kuliyadda caafimaadka Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo munaasabadaas ka hadlay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ardaydan qelin jebisay ay wixii maanta ka dambeeya yihiin dhaqaatiir wax qali kara, daweyna kara, isagoo xusay in ardaydan ay muujiyeen dedaal badan oo socday mudoo lix sano ah.

“Anigoo ku hadlaya magaca maamulka, Macalimiinta hormuudyada iyo Mu’asasada Jaamacadda Banaadir waxaan ku faraxsanahay inaan si rasmi ah ugu dhowaaqo in 155 arday ay ka qelin jebiyeen kuliyadda Caafimaadka ayna wixii hadda ka bilowda yihiin dhaqaatiir” ayuu yiri Dr. Biday oo halkaas ka tiriyey magacyada shanta arday oo galay kaalimaha hore ee darajada A & A+.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardayda qelin jebisay oo uu sheegay iney yihiin kuwii ugu badnaa ee mar kaliya ka qelin jebiya kuliyadda Caafimaadka mudadii ay jirtay Jaamacadda Banaadir taasoo uu xusay iney tahay guul u soo hoyatay Jaamacadda.

“Maanta waa maalin farxadeed maadaama ay Jaamacada Banaadir ka qelin jebiyeen dufcadii 9aad ee soo dhameysata kuliyadda dhaqtarnimada ka dib lix sano oo dedaal dheer iyo Juhdi badan la soo waday, sagaalka dufcadood marka la isku geeyana waxay Jaamacaddu soo saartay 552 dhaqtar, wixii maanta ka dambeeya waxaad tihiin dhaqaatiir, masuuliyad buuxda ayaana idinka saaran Caafimaadka bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Sidoo kale Dr. Dalmar ayaa xusay isbitaalka Jaamacadda Banaadir ee ku yaalla degaanka Km13 uu si rasmi u howlgalay, isagoo xusay iney u qorsheysan tahay dhowaaan iney isbitaalo la mid ah ka hirgeliyaan magaaglooyinka Kismaayo, Baydhabo, B/weyne, Gaalkacyo iyo qaar kale kuwaasoo uu tilmaamay iney ka howgeli doonaan dhaqaatiirta ka qelin jebisay jaamacada Banaadir.

Prof. Cismaan X. Maxamuud Dufle oo ka mid ah aasaasayaasha Jaamacada Banaadir ayaa isna yiri. “Anoo ku hadlaya magaca guddiga arimaha bulshada ee Baarlamanka, waxaan halkan  hambalyo uga dirayaa ardayda qelin jebisay oo ah tiradii ugu badneyd abid ee mar kaliya ka qelin jebisa jaamacad ku taala geyiga Soomaaliya, wax yar ka hor arday baad aheydeen, laakiin hadda waxaad tihiin dhaqaatiir xili culus ayaana dusha idinka fuulay.”

Dr. Maxamed Maxamuud Fuje oo ka tirsan Muasasada tacliinta sare ee Banaadir oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacada Banaadir la aasaasay sanadkii 2002 xilli aysan jirin wax dhaqaatiir Soomaliyeed oo muddo 12 sano ah ka soo baxay jaamacado, burburka dalka ka jiray awgeed, wuxuuna xusay in jaamacadu ay guul u tahay in 13 sano ka dib aasaaskeeda ay soo saartay 552 dhaqtar taasoo uu sheegay in jaamacada iyo dhaqaatirta aasaaasayba ay baal dahab ah kaga galeen taariikhda, isagoo ugu dambeyna hadalo dardaaran ah u jeediyey dhaqaatiirta qelin jebisay.

Ugu dambeyn, Waxaa sidoo kale munasabadan hadalo kooban oo isugu jiray hambalyo iyo dardaaran ka jeediyey xubno ay ka mid yihiin Prof. Axmed Yuusuf Guuleed,  Gudoomiyaha Midowga ardayda Jaamacadda Banaadir (BUMSA) C/fitaax Axmed Shire iyo aqoonyahano kale, waxaana munasabadan ay ku soo gebagebowday jawi farxad badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya