4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 15, 2016
FBI oo xirtay rag caddaan ah oo qarax la damacsanaa dhisme Soomaali badan daggan yihiin

Sabti, Oktober 15, 2016 (HOL)-Saddex nin oo caddaan ah oo qarax la damacsanaa dhisme dad badan oo Soomaali ah ay kunool yihiin Kansas Mareykanka ayaa waxaa soo xiray hayada sirdoonka Mareykanka ee FBI.

Waxaa sidoo kale la sheegay in raggaasi haysteen walxaha qarxa isla markaa lasoo xiray. Waxay damacsanaayeen in qaraxaa ay geystaan bisha Nofember ee sanadkaan.

FBI ayaa la sheegay in muddo 8 bilood ah ay raggaa ku raad joogtay.  Magaalada Garden City ee gobolka Kansas ayaa uu kuyaalaa dhismahaa ay raggaasi damacsanaayeen in ay qaraxa la beegsadaan.

Raggaa oo magacyadooda la kala yiraahdo Curtis Allen, Gavin Wright, iyo Patrick Stein ayaa waxaa la xiray Jimcihii shalay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]