4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 14, 2016
RW Somalia oo dhex-dhexaadin u tagay degmada Cadaado iyo Puntlnd oo loo jeediyay eedeymo


Jimco, Oktoobar 14, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa Goor-dhaw gaaray degmada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug, isgaoo kulammo la yeelan doona mas’uuliyiinta maamulka Galmudug.

Sharma’arke ayaa kala hadli doonaa madaxda Galmudug sidii lo joojin lahaa dagaallada ka socda Gaalkacyo ee u dhexeeya maamulkooda iyo Puntland. Wuxuuna Safarkaan kaddib u Gudbi doona Puntland si Mas'uuliyiinta maamulkaas uu ugala hadlo dagaallada Gaalkacyo.

Ciidammo kala Taaabacsan Galmudug iyo Puntland, ayaa dhawrkii Maalmood ee aynu ka soo gudbunay ku dagaallamayay gudaha magaalada Gaalkacyo, iyadoo waxgaradka labada dhinac ay ku guul-darreysteen inay dagaalka kala qaboojiyaan isla markaana kala qaadaan ciidamada uu dagaalku u dhexeeyo.

Dhanka kale, Galmudug ayaa ku eedeysay Puntland in dagaallada ka socda Gaalkacyo ay u Abaabulayso si aysan u dhicin Doorashada lagu wado inay ka dhacaan Deegaannada uu ka taliyo maammulka Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Maxamuud Ciisman Masaga-waa oo Arrintaan ka hadlay ayaa yiri. “Dagaallada ka socda Gaalkacyo iyo deegaanno ka mid ah Gobolka Gal-gaduud, waxaa Abaabushay Puntland, Qorshuhuna waa sidii loo carqaladeyn lahaa doorashooyinka. Sidaas darteedna Beesha Caalamka waxaan u sheegeynaa in laga shaqeeyo Nabadda iyo in Puntland looga digo colaadaha ay waddo.

Maamulka Puntland, ayaa ddhankooda horay ugu eedeysay dagaallada Gaalkacyo ka socda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug in iyagoo Is-kaashanaya ay Weerar ay ku yihiin Maamulkooda, isla markaana la doonayo in Ammaanka Gaalkacyo la xumeeyo.

Ugu dambeyn, RW Somalia ayaa horay ugu guuleystay inuu Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland isku keeno, ayna heshiis ka gaareen dagaallo ku dhex-maray dhamaadkii sanadkii hore Magaalada Gaalkacyo, Laakiinse lama oga sida uu colaaddan u xallin doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya