4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 14, 2016
Jaaliyada Reer Hiiraan ee Nairobi oo Shir Lagu Taageerayo Maamul u Samaynta Hiiraan Qabatay

Jimco, Oktober 14, 2016 (HOL)-Jaaliyada Reer Hiiraan ee Nairobi ku nool ayaa maanta shir ay ku taageereyso maamul u samaynta Hiiraan ku qabatay caasimda Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkaa ayaa waxaa kasoo qeyb galay aqoonyahano, wax garad, haween, culimaa u diin, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo badan oo ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan ee ku dhaqan caasimada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkaa ayaa sidoo kale kasoo qeybgaleyaashii soo xaadiray waxay ku taageereen dastuurka la ansixiyay ee dhawaan loo sameeyay dawlad goboleedka Hiiraan State.

Qaarkood masuuliyiintii soo xaadiray ee halkaana khudbadaha kasoo jeediyay ayaa kala ahaa guddoomiyaha jaaliyada Reer Hiiraan ee Nairobi, Mudane C/Qaadir Sheekh Muumin iyo ku-xigeenka guddoomiyaha jaaliyada Reer Hiiraan ee Nairobi, Mr. Cabdiwaaxid, Abukaate Daahir Xassan Cabdi oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Sharmaarke, Marwo Qaali Axmed Maxamed oo xubin muhiim ah ka ah garabka haweenka ee jaaliyada Reer Hiiraan ee Nairobi, Sheekh Bashiir Sheekh Cilmi iyo Nabaddoon Maxamed Shukri iyo weliba Islow Garaad.

Shirkaa ayaa dhammaan kasoo qebgaleyaashii waxay ku cambaareeyeen shirka Jawhar iyo dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo barataaraysa ayadoo lagu eedeeyay inuu doonayo inuu qorto wakiilada kasoo bixi doona ee soo galaya baarlamaanka xiga ee Soomaaliya si ay asaga codka usiiyaan.

'Wuxuu aaminay in wixii kasoo baxa shirkaa-Jawhar uu wax ku noqdo', ayuu yiri Abukaate Daahir Xassan Cabdi.

'Waa qasab ku wada wadaaga dawlad-goboleed waxay wado dawlada Soomaaliya', sidaana waxaa yiri Dr. Maxamed Sharmaarke.

Waxaa kasoo qeybgaleyaashu dhalliil u soo jeediyeen xubnaha reer Hiiraan magacooda uga qeybgalaya shirka Jawhar ayagoo sheegay inaysan matalin ayna yihiin dad shilimaad ama mansab dhaafsanaya sharaftooda ayadoo lagu tilmaamay in xaaladoodu ka dhigantay, 'sidii qof roob mahiigaan ah doonaya inuu xuub caaro ka jirsado'.

'Aduunyo waa laga tagayaa; dawlada iyo Xasan Sheekh waxay qaadeen ammaano ee siday tahay hauga soo baxeen'.  Sidaa waxaa yiri Dr. Maxamed Sharmaarke oo hadalkiisii sii waday.

"Dawlada waxaan u sheegeynaa in gobol walba shacabka ku nool uu aayahiisa ka tashado sida dastuurku qabo. Dawladu waa garab martay ergada Xamar lagu diiwaan galinayana waa in la joojiyo maadaama ay sharci darro tahay'. Nabaddoon Maxamed Shukri ayaa sidaa yiri.

'Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka in ay u ogolaato ummada Reer Hiiraan masiirkeeda inay ka tashato'. Intaana waa uu ku daray Nabaddoon Maxamed Shukri.

Shirka ayaa lagu taageeray Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, qaddiyadiisa iyo waxqabadkiisa. Waxaa  jaaliyada Reer Hiiraan ee Nairobi sheegtay in hiil iyo hooba ay la garab taagan tahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo maamulka uu dhisayo.

Waxay jaaliyada Reer Hiiraan ee Nairobi sheegtay in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu xaq ku taagan yahay waxayna ugu duceeyeen in Alle la garab galo dadaalka wanaagsan ayagoo waliba sheegay in reer Hiiraan ay mideysan yihiin dhammaantood beelaha ku dhaqan Hiiraana ay wada taageersan yihiin ugaaska iyo maamulka la dhisayo ee Hiiraan State.

Waxay ku bishaareeyeen xubnaha jaaliyada Reer Hiiraan ee Nairobi ee maanta shirkaa kasoo qeybgalay in dhawaan la yagleeli doono si buuxda dawlada Hiiraan.

Waxaa loogu baaqay dhammaan reer Hiiraan dal iyo dibadba inay taageeraan dawlad goboleedka Hiiraan loo dhisayo.

Waxaa shirka ugu dambeyntii soo xiray Islow Garaad asagoo kusoo gunaanaday duco iyo dardaaran ta'kiidiyayna mar labaad in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uusan ahayn ugaas beeleed balse ugaas Soomaaliyeed maadaama Soomaali oo dhan ay duubtay Soomaalida oo dhan oo gobol walba kasoo jeedana maalintii laduubayay ay kasoo qeybgaleen xafladii caleema saarkiisa ayna wax ka duubeen.

Wuxuu ugu baaqay dawlada Soomaaliya mar kale Islow Garaad in ay u deyso dadka reer Hiiraan inay ayaahooda ka tashadaan.

Islow Garaad wuxuu xusay in beesha caalamka iyo dalalka dariska ah ay dani ugu jirto Soomaaliya oo nabad ah.

"Beesha caalamka iyo dalalka dariska ah waxay dani ugu jirtaa Soomaaliya oo nabad ah". Ayuu yiri Islow Garaad. "Hiiraan waa State iyo labo gobol".

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]