4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 14, 2016
DONALD TRUMP: Eeedaha Haweenku ay ii soo Jeedinayaan Dhammaantood Waa Been Abuur


Jimco, Oktoobar 14, 2016 (HOL) — Musharrax Donald Trump ayaa ku gacan sayray eedo ah inuu Dumar u gaystay Anshax-xumo Waqti uu la hadlayay TTageerayaashiisa ku sugan Gobolka Florida ee dalka Mareykanka, ayaa wuxuu sheegay in gabi ahaanba eedeymahaas ay yihin kuwo been abuur ah.

Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, ayaa sheegay in dumarkaasi ay yihiin kuwa been badan, warbaahintana ay la safanaayeen haweeneyda la loolameeysa ee Hillary Clinton.

Dhowr Haween ah ayaa sheegay in Trump uu fara xumeeyay ama uu xoog ku dhunkaday.

Xaaska Madaxweynaha Mareykanka, Michelle Obama ayaa hore u sheegtay in Arrimaha Dumarka ee Trump ay yihiin kuwa naxdin iyo liidid leh.

Sidoo kale, Obama ayaa sheegtay in hogaamiyeyaasha looga baahan yahay inay yeeshaan Waxyaabaha Aasaasiga u ah Damiirka bani'aadmiga. Hadalkaasi ayay ka jeedisay xilli ay ka qeeb qaadaneysay olole siyaasadeed oo ka dhacayay New Hampshire.

Inkastoo magaca musharraxan aysan sheegin haddana waxay u muuqatay in hadalladaasi oo dhan ay Michelle ula jeedday Mr Trump.

Ugu dambeyn, Muuqaal Toddobaadkii lasoo dhaafay la baahiyay ayaa wuxuu muujinayay Musharrax Trump oo hadalo anshax-daro ah ku oranaya haween Haweeney, muqaalkaasi oo uu raali-galin ka bixiyay ayaa dad badani ay ka caroodeen, kuwaasoo ay ka mid yihiin masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbiga uu u loolamayo.

XIGASHO: BBC

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya