4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 14, 2016
SAWIRRO: Xuska Caalamiga ee Maalinta Arraga Adduunka oo lagu Qabtay Magaalada Muqdisho

Jimco, Oktoobar 14, 2016 (HOL) — Waxaa shalay lagu qabtay Muqdisho Munaasabad lagu xusayay Maalinta Arragga Adduunka (World Sight day) oo ku beegnayd 13-ka bisha Oktoobar oo ku beegnayd shalay oo Khamiis ahayd.

Munaasabaddan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey heyadda Al-Nuur Foundation, Jaamacadda Banaadir iyo heyaddo kale oo caalami ah ayaa waxaa ka qeyb galay madax, macalimiin iyo arday ka tirsan Jaamacada Banaadir, masuuliyiin ka tirsan wasaarada Caafimaadka Xukuumada Somalia, ururka dhaqaatiirta Soomaaliyed, aqoonyahano, iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir ahna Agaasimaha Hay’adda Al-Nuur Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa yiri. “Maalinta Arraga Adduunka, Waxaa sanad kasta la xusaa Khamiista labaad ee bishan Oktoobar.” Isagoo intaas ku daray in ujeedka maalintan ay tahay in la is-xusuusiyo Caafimaadka indhaha iyo muhiimada ay leeyihiin.

“Qiimeyn la sameeyey waxaa lagu ogaaday in caalamka oo dhan 39 milyan oo qof ay indho la’aan yihiin, %90 waxay ku nool yihiin dalalka soo koraya oo ay Somalia ku jirto, waxaana sahan aan sameynay ku ogaanay inay ku nool yihiin dalkeena dad gaaraya 140,000 kun oo indha la’aan ah, waxaana sanad walba ku soo kordha dad lagu qiyaasay 14,000,” ayuu hadalkiisa ku daray Dr. Dalmar.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay in la sameeyey dedaalo badan oo ku saaban sidii arag la’aanta wax badan looga qaban lahaa, waxaana indhaha si bilaash ugu fiiqnaa sanad kasta ayuu yiri dad boqolaal gaaraya, laakiin kuma filna dedaalkan ayuu yiri in la ciribtiro arag la’aanta sidaas awgeed sanadka soo socda waxaa uu xusay iney u qorsheysan tahay sameynta qorshaha Qaranka ee ka hortaga indha la’aanta.

Waxaa kaloo Munaasabaddan ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Yuusuf Xasan oo ku dheeraaday dadaallada ay dhaqaatiirta Soomaaliyeed ugu jiraan ka wacyi gelinta bulshada ee cudurada laga hor tegi karo oo ay ku jiraan cudurada indho la’aanta.

“Runtii waxaa mahad-balaaran iska leh, Dr. Dalmar iyo isbitaalkiisa Al-Nuur oo caawiyay kumannaan qof qaba cudurrada indhaha, kumannaan kalena u sameeyay qaliimo waxaana ku boorineynaa iney dedaalkooda halkaas ka sii wadaan,” ayuu yiri Dr. Maxamed Yuusuf.

Agaasime ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Somalia C/risaaq Yuusuf Axmed oo isagana goobta ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinka la xiriira dhinaca caafimaadka ee dalka ka jira, kuwaasoo ay qayb ka yihiin indho la’aanta, wuxuuna xusay in Wasaaraddu aysan laheyn xiligan awood ay uga wax uga qabato baahiyaha caafimaad ee dalka ka jira balse ay diyaar u tahay iney bahda caafimaadka iyo ururada dhaqaatiirta kala shaqeyso sidii loo horumarin lahaa adeegyada Caafimaadka dalka.

Dhanka kale, Waxaa khudbado ka jeediyey Munaasabaddan Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Indhaha Soomaaliyeed, Hormuudka kuliyadda culuunta caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir Xasan Nuur Warsame, Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Banaadir (BUMSA), C/fitaax Axmed Shire iyo xubno kale oo ku dheeraaday baahida loo qabo sidii Bahda Caafimaadku ay ula tacaali lahaayeen Cudurrada Indhaha iyo Araggga Aadanaha ku dhaca.

Ugu dambeyn, Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee Muqdisho, Waxaa ka socda mashruuc isugu jira daweyn iyo qaliin dhinaca aragga ah oo todobaad socon doona, kaasoo lagu soo beegay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Arraga, waxaana ka faa'iideysanaya dadka gaaraya illaa 500 oo qof sida maamulka Isbitaalku sheegay. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya