4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 14, 2016
Madaxweyne Xasan oo soo dhaweeyay Doorashada Guddoonka Barlamaanka Hir-shabeelle


Jimco, Oktoobar 14, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Maamulka HirShabeelle oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar oo ah xarunta maamulkaasi.

"Doorashada Guddoonka Baarlamanka maamulka Hir-Shabeelle waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Shacabka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee Maamulkan Dhistay. Waxay tani qeyb ka tahay dhameystirka maamulka ay yeelanayaan labadan gobol,”, ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in nidaamka baahinta xukunka ee dalka ka socda uu yahay mid adeegyada kala duwan ee bulshada dhanka wanaagsan u dhaweynaya.

"Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay idin la qeybsaneysaa farxadda horumarka la taaban karo ee laga gaaray dhameystirka dhismaha maamulka HirShabeelle. Waxaan idin caddeynayaa in Dowladda Federaalka ee Somalia ay idin garab-taagan tahay. Dhismaha maamulkaan wuxuu idin sahli doonaa inaad heshaan dhammaan xuquuqaha ay leeyihiin maamullada kale ee dalka ka jira,” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqey maamulkan cusub ee Hir-Shabeelle inuu kaalinta kaga aaddan ka qaato Hannaanka lagu dooranyo inay dalka uga dhacdo doorasho sannadkna 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya