4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 14, 2016
Isu barbardhig lagu sameeyay Soomaalida Minnesota iyo Soomaalida daggan Norway

Jimco, Oktober 14, 2016 (HOL)-Jaamacad kutaala Mareykanka ayaa isu barbar dhigid ku samaysay Soomaalida ku nool MN Mareykanka iyo Soomaalida daggan Norway.

Waxaa la sheegay oo daraasadaa lagu ogaaday in Soomaalida daggan Minnesota ay aad uga shaqo iyo waxqabad badan yihiin Soomaalida Norway. Jaamacada daraasadaa samaysay ayaa ah Jaamacada Minnesota University.

Waxaa dood cilmiyeed arinkaa ku saabsan lagu casuumay safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Axmed Ciise Cawad iyo Karen Arase oo ah safiirka Norway ee Mareykanka.

Waxaa daraasada lagu qaadaa dhigayay sababta Soomaalida Mareykanku aad ugaga horeeyaan dhanka horumarka Soomaalida Norway.

Labada safaaradood xiriirkooda ayaa xooggan daraasadaana waxaa lagu doonayay in lagu sii adkeeyo waxna loogu qabto Soomaalida Norway.

Safiirka Norway u fadhiya Mareykanka ayaa aad usii ogaaday booqasho uu ku dhexmaray MN in Soomaalida MN ay yihiin dad hal abuur leh oo wax qabadkoodu badan yahay.

Wuxuu kaloo ogaaday in Soomaalida halkaa daggan ay mujtamaca kaga jiraan heer wacan horumar ballaarana ay samaynayaan.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanaka Axmed Ciise Cawad ayaa warbaahinta u sheegay in safiirka Norway u fadhiya Mareykanka uu doonayo inuu warbixino ka qoro Soomaalida Mareykanka iyo horumarkooda.

Kadib ayaa waxaa safiirkaasi ka dalban doonaa dawlada Norway in Soomaalida Norway lasiiyo fursado badan si ay horumar ugu tillaabsadaan.

Aadan M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]