4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 13, 2016
Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Maamulka Hir-shabelle oo loo doortay haweeney


Khamiis, Oktoobar 13, 2016 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle, ayaa waxaa goor-dhaw loo doortay Canab Axmed Ciise, iyadoo la isla gaaray Wareeggii labaad.

Haweeneyda ku guuleysatay doorashada guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle, ayaa helay 47-cod, Halka Musharraxii ay tartanka iskula soo hareen oo lagu magacaabo, Mahad Xasan Cismaan uu ka helay 41-cod.

Wariyaha HOL ee ku sugan goobta ay doorashadu ka dhacaysay ee Jowhar, ayaa sheegaya in doorashada guddoomiye ku xigeenka labaad ay ahayd tii ugu Adkeyd doorashada guud ee guddoonka baarlamaanka Hir-shabeelle, iyadoo ay ku tartameen saddex mushaax, isla markaana la isla gaaray Wareeggii labaad oo ay tartameen labadii musharax ee ugu codka badnaa.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiyaha baarlamanka Somalia, Maxamed Cismaan Jawaari, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda, C/raxmaan Odawaa iyo xubno kale.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa loo doortay Sheekh Cismaan Barre, Halka Guddoomiye ku xigeenka Koowaad loo Doortay Cabdi Cismaan Geeddi iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad oo doortay Canab Axmed Ciise.

Ugu dambeyn, Baarlamaanka Maamul-goboleedka Hir-Shabeelle, ayaa 15-ka bishaan lagu jiro ee Oktoobar oo maalin ay naga xigto waxay Dooranayaan Madaxweynaha maamulkan oo ay dhawr musharax u taagan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya