4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 13, 2016
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabelle oo la Doortay (SAWIRRO)

Khamiis, Oktoobar 13, 2016 (HOL) — Guddoomiye ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle, ayaa loo Doortay Goor-dhaw, Cabdi Cismaan Geeddi, Wuxuuna musharraxii la tartamayay kaga adkaaday codad aqlabiyad ah.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa wuxuu ku guuleystay 72-cod, halka uu ka helay musharraxii la tartamayay oo ahaa; Ismaaciil Maxamed Nuur 15-cod oo keliya, waxaana sidaas ku guuleystay Cabdi Cismaan Geeddi.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee la doortay iyo musharraxii la tartamay oo codeynta kaddib goobta ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga daba-tago maamul-goboleedyada kale ee dalka ka jira, si ay u tiigsadaan halka ay marayaan.

“Dhismaha Maamul-goboleedka Hir-shabeelle aad ayuu uga dib dhacay kuwa kale ee dalka ka jira, marka waxaa lagama maarmaan ah inaan mas’uuliyad iska saarno sidii aan u tiigsan lahayn, wada-shaqeynna la muujiyo,” ayuu ka yiri goobta guddoomiye ku xigeenka koowaad ee la doortay.

Ugu dambeyn, Waxaa haddad socota Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 2-aad oo ay ku tartamayan dhawr musharax, wixii kasoo kordhaha waxaad kala soconaysaan HOL, haddii wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya