4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 13, 2016
Sheekh Cismaan Barre oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka Hir-shabeelle


Khamiis, Oktoobar 13, 2016 (HOL) — Xildhibaannada Baarlamaanka maamul-goboleedka Hir-shabeelle, ayaa goor-dhaw Jowhar ku doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Maamulkaas, kaasoo loo doortay, Xildhibaan Sheekh Cismaan Barre.

Wariyaha HOL uga soo warramaya shirka Degmada Jowhar ayaa sheegay in 61-cod uu ku guuleystay, halka musharraxii xilka kula Tartamayay oo isagana lagu Magacaabo Abuukar Maqaneey uu ka helay 28-cod.

Doorashada kaddib ayaa Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka maamulka Hir-shabeelle, waxaa lagu dhaariyay isla goobta, isagoo hadal uu jeediyay Dhaarintiisa kaddibna sheegay in uu ku shaqeyn doono si Cadaalad iyo dhex-dhexaadnimo ah.

“Xilka aad maanta ii doorateen waxaan u gudan doonaa si xalaal ah oo ay daacadnimo ku dheehan tahay,” ayuu yiri Gudoomiyaha Cusub ee baarlamaanka maamulka Hir-shabeelle, isagoo u mahadceliyay xildibaannadii dooray iyo kuwii kale ee aan dooran, isagoo dhanka kalena dalbaday in lala shaqeeyo.

Dhanka kale, waxaa billaabatay doorashada guddoomiye xigeennada 1-aad iyo labaad ee Baarlamaanka Hir-shabeelle, Waxaadna kula socon doontaan Natiijada Doorashada hadda socda kasoo baxda wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Ugu dambeyn, Doorashada Guddoomiyaha Cusub iyo midda socota ee lagu soo dooranayo ku xigeennada, ayaa Waxaa Goob-joog ka ahaa, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo xubno kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya