4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 13, 2016
SAWIRRO: Machadka ISOS oo Maanta soo Gaba-gabeeyay Cilmi-baaris ku Saabsanayd Tabriibka

Khamiis, Oktoobar 13, 2016 (HOL) — Machadka Daraasaadka Soomaaliyeed   ee ISOS oo ka tirsan Jaamacadda Muqdisho, ayaa kusoo gunaanaday Muqdisho Aqoon-is-weydaarsigii labaad ee Cilmi-baarista Soomaaliya oo Tahriibka looga hadlay.

Aqoon-is-weydaarsigaan oo cinwaankiisa Sannadkan uu ahaa; Tahriib: Safarka Yididiilada iyo Geerida – Falan-qaynta Sababaha, Dhibaatooyinka iyo Xalka. Wuxuuna socday muddo laba maalmood ah.

Qoraallada iyo Doodaha Waxaa lagu falan-qeynayay Sababaha iyo Duruufaha Ruuxa ku kallifa in uu tahriibo, dalkiisii Hooyana Ka-hayaamo iyo sidoo kale Dhibaatooyinka kala duwan ee tahriibka ka dhalan kara. Waxaana la isla gor-feeyay sida wax looga qaban karo tahriibka iyo cid walba doorka uga aadan. Iyadoo dhawaan uu Machadku soo saari doono Qoraalladaan oo Buug ah.

Sidoo kale, Aqoon-is-weydarsiga sannadlaha ah ee cilmibaarista Soomaaliya (The Annual Conference on Somali Studies) waxaa soo agaaasima Machadka Daraasaadka Soomaalida (Institute for Somali Studies - ISOS) si loo xoojiyo cilmi-baarista Soomaaliyeed.

Agaasimaha Machadka ISOS, Mustafa Cabdullaahi Feyrus ayaa kula dar-darmay Aqoon-yahanada iyo Wax-garadkii kasoo Qayb-galay Aqoon-is-weydaarsigan inay sii xoojiyaan cilmi-baarista si loo helo xal waara.

Ugu dambeyn, Waxaa Aqoon-is-dhaafsiga soo xiray Guddoomiyaha Jaamacada Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal Cali, isagoo ku tilmaamay tahriibka Musiibo Qaran, Sidoo kalena wuxuuna aqoon-yahankii iyo wax-garadkii Goob-joogga ahaa ku booriyay inuu qof walbaahi uu xil gooni ah iska saaro sidii tahriibka looga hor-tegi lahaa.

“Qof walba oo inaga mid ah, Waxaa laga doonayaa inuu baraha bulshadu ay ku xiriirto uu ugu isticmaali lahaa Wacyi-galin Guud oo ku aaddan Tahriibka iyo wax walba oo dhibaato keeni kara, isagoo dadka uga digaya dhibaatada tahriibku leeyahay,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya