4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 13, 2016
Duqeymo iyo Dagaallo Maanta Dib uga ka billowday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug


Khamiis, Oktoobar 13, 2016 (HOL) — Ugu yaraan Hal ruux ayaa ku dhintay, Afar kalena way ku dhaawacmeen dagaal iyo duqeymo culus oo dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Duqeymahaan, ayaa ku dhacaya qaybo ka mid ah Xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Gaalkacyo, ayaa waxaa is-weydaarsanaya ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Wariyaha HOL ee Gobolka Mudug, Abaadir C/qaadir Cilmi ayaa soo sheegaya in Xaalad Adag ay ka taagan tahay Gaalkacyo, Shacabkii fara ku tiriska ahaa ee ku harayna ay isaga baxeen magaalada Gaalkacyo.

“Duqeymaha waxay ku dhacayeen xaafado ka tirsan degmada Gaalkacyo oo ay dhinacyada Dagaalladu u dhexeeya isku-hor-fadhiyeen maalmahii lasoo dhaafay, Waxaana Magaalada ka jirta Xaalad cabsi leh,” ayuu yiri Wariyaha HOL ee Gobolka Mudug Abaadir C/qaadir.

Ugu dambeyntii, Maamullada Galmudug iyo Punland ayaan weli ka hadlin dagaalladan iyo Duqeymaha ka socda Magaalada Gaalkacyo, kaasoo u dhexeeya Ciidammo kala taabacsan labadan maamul.

Wixii warar ah ee kasoo kordha Dagaalka iyo Duqeymahaan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya