4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 13, 2016
Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kula kulmay Ergeyga QM ee Arrimaha Qoxootiga Soomaaliya


Khamiis, Oktoobar 13, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku Nool Xeryaha Dhadhaab ee Kenya, Maxamed Cabdi Afeey.

Xasan Sheekh iyo ergeyga, ayaa ka Wada-hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa Arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool waddamada dariska ah iyo Caalamka intiisa kale.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo Magacaabista Ergeyga Cusub, isla markaana Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Qaramada Midoobay iyo hay'adaha kale ee caalamiga ah kala shaqeynayso Hir-gelinta barnaamijka dib u soo celinta Qaxootiga Soomaalida.

Dhanka kale, Ergeyga QM ee qoxootiga Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka cusub ee loo soo magacaabay, uuna rajeynayo inuu si buuxda uga shaqeyn doono Barnaamijyada lagu Taageerayo Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku Nool dalalka dariska ah iyo barakacayaasha ku jira xeryaha ku yaalla Gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa dhawaan Waxaa Xilka u magacaabay xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon, isagoo horay u ahaa wakiilka gaarka ah ee IGAD u qaabisan Arrimaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya