4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 13, 2016
Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday xubno ka tirsan Al-Shabaab

 

Khamiis, Oktober 13, 2016 (HOL)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuntay rag u xirnaa in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Raggaa la xukumay ayaa saddex ahaa. Garsooraha maxkamada ciidamada qalabka sida ,G/dhexe, Xasan C/raxmaan Aaden  ayaa sheegay in labo ka mid ah raggaa lagu xukumay min 8 sano oo xabsi ah.

La-tuhunsane saddexaad ayaa maxkamadu xukuntay in lasii daayo maadaama ay sheegtay in wax dambi ah lagu waayay.

Raggaa ayaa dhawaan lagu soo qabtay hawlgallo ay ciidamada ammaanku ka sameeyeen  xaafada  Yaaqshiid ee Muqdisho.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]