4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 13, 2016
Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qarax ku dhintay

Khamiis, Oktober 13, 2016 (HOL)-Labo qof oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab ayaa xalay qarax ku dhintay, Ex Control Muqdisho.

Wakaalada wararka ee Soomaaliya ee SONNA ayaa tebisay in labadaasi ka tirsanaayeen saddex qof oo Al-Shabaab ahaa oo miino meel galinaayay. Labadaa ayaa dhintay kadib markii miinadii ayaga ay ku kacday.

Qofkii saddexaad ayaa baxsaday sida Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Xaashi (Qoslaaye) uu u sheegay warbaahinta.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay daba gal iyo baaritaano samayn doonaan, si loo ogaado halka laga soo abaabulay qaraxa.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]