4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 13, 2016
Mursharraxa Jamhuuriga Mareykanka Donald Trump oo sheegay inuu careysanahay Jamhuuriyiinta


Khamiis, Oktoobar 13, 2016 (HOL) — Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga ah ee doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray inuu si iskiis ah u dhameysan doono todobaadyada ugu danbeeya ee ololahiisa doorashada Madaxtinimada.

Isagoo Arbacadi shalay kula hadlayey Gobolka Florida ee Koofur-bari Dalka Mareykanka, ayuu sheegay Trump in uu aad ugu Careysanyahay Qaar ka mid ah Saaxiibbadiisa Xisbiga Jamhuuriga.

Sidoo kale, Arrintaan ayaa ka danbeysay kadib marki ay qaar badan oo ka mid ah madaxda sare ee xisbiga Jamhuuriga go,aansadeen in aysan u ololeyn doonin Donald Trump, sababo la xiriira fadaaxadii dhawaan kusoo baxday ee la xiriirtay hadalada anshax darrada ahaa ee uu ka sheegay dumarka.

Doorashada madaxtinimada Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha November ee soo aadan.

XIGASHO: VOA SOMALI

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya