4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 13, 2016
Xiisad Colaadeed oo weli ka taagan deegaanka Godinlabe ee Galguduud oo shalay lagu dagaalamay


Khamiis, Oktoobar 13, 2016 (HOL) — Xiisad Colaadeed, ayaa la sheegayaa in weli ay ka taagan tahay deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud oo ay shalay ku dagaallameen ciidammo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljaamaca.

Wararka ayaa sheegaya in weli ciidamadii dagaalladu shalay dhexmareen ay weli isku-hor-fadhiyaan deegaankaas oo qiyaastii 25-km u jira Degmada Cadaado oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Sidoo kale, Waxaa la sheegayaa inaysan hadda socon Wax Dagaallo ah oo Ciidamada is-hor-fadhiya dhexmaraya, laakiinse waxaa laga baqayaa in dagaallo kale ay deegaankaas ka qarxaan.

Afar ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen dagaalladii shalay dhacay, sidoo kale ay ku dhaawacmeen 10-qof oo kale, kuwaasoo dhammaantood ka tirsanaa ciidamada labada maamul ee dagaallamay.

Dhanka kale, Dadweynihii ku noolaa Deegaanka Godin-labe ayaa la sheegayaa in ay isaga Barakaceen Guryahoodii,  waxaana jirta waxyeellooyin shacabka kasoo gaartay dagaalladii shalay dhacay.

Ugu dambeyn, Maamulka Ahlusuna Waljamaaca ayaa shalay sheegay inay Godinlabe kula Dagaallameen Ciidamada Maamulka Galmudug iyo oo garab-sanaya Xoogag ka tirsan Al-shabaab, inkastoo Galmudug aysan weli dagaalkaas ka hadlin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya