4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 13, 2016
Todobaadka dhaqanka Soomaalida oo maanta ka bilaabanaya Nairobi Kenya

Khamiis, Oktober 13, 2016 (HOL)-Waxaa Nairobi Kenya maanta ka bilaabanaya bandhigga todobaadka dhaqanka Soomaalida.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa uu soo socday oo sanad waliba lagu qabanaayay Somali Heritage Week (Todobaadka Dhaqanka Soomaalida) bandhigiisa caasimada Nairobi.

Todobaadka Dhaqanka Soomaalida ayaa wuxuu socon doonaa ilaa 16ka bishaan aanu ku jirno ee Oktoobar.

Waxaa uu ka dhacayaa tiyaatarka Kenya [Kenya Cultural Centre] ee caasimada Nairobi.

Todobaadka dhaqanka Soomalida waxaa lagusoo bandhigi doonaa bandhigyo kala duwan sida bandhig dhaqameed kusaabsan dhamman dhaqanka Soomaaliyeed qaybahiisa kala duwan, farshaxan, buugaag ka hadlaya dhaqanka iwm.

Waxaa sidoo kale jiri doonta dood cilmiyeed kusaabsan waxqabadka bulsho weynta Soomaalida.

Bandhigga ayaa lacag la'aan lagu galayaa waxaana isku soo dubba riday maamulka xarunta dhaqanka ee Aw-Jaamac ee xaafada Islii.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]