4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 12, 2016
SAWIRRO: Puntland oo soo bandhigtay Askar ay sheegtay inay ka tirsan yihiin kuwa Dowladda FS

Arbaco, Oktoobar 12, 2016 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa maqribnimadii caawa soo bandhigay laba Askari oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Ciidamada NISA ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo uu maamulku sheegay inay isku soo dhiibeen ciidamada Puntland, kaddib dagaal kooban oo gudaha Gaalkacyo ka dhacay maalin ka hor.

Labadaan Askari ee Puntland ay soo bandhigtay, ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay; Cabdi Cismaan Maxamuud iyo Cismaan C/laahi Jaamac oo sheegay inay kala yimaadeen degmooyinka Cabduwaaq iyo Balanbal ee kawada tirsan Gobolka Galgaduud.

Cabdi Cismaan, ayaa sheegay in markii laga soo wadayay Cabud-waaq, lagu war-geliyay inuu ka Qayb-qaadanayo Sugidda amniga Doorashada Dadban ee la filayo inay dhawaan ka dhacay degmada Cadaado ee xarunta KMG-ka ah ee maamulka Galmudug.

Sidoo kale, Cismaan C/llaahi ayaa isna sheegay in laga so waday Balanbal oo u Tobabar Nabad-sugidda ah uu kusoo qaatay, isla markaana loo sheegay inay qayb ka noqonayaan isaga iyo  ciidammo  kale hawl-gal lagu sifeynayo isbaarooyin yaalla deegaanno ka tirsan  Galmudug.

DHAGEYSO: Codadka Wasiirka deegaanka maamulka Puntland iyo labada Askari;

Dhinaca kale, Wasiirka Deegaanka, Duur-joogta iyo Dalxiiska Puntland, Cali Cadbdullaahi Warsame oo goobta askartaan lagu soo bandhigay kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in askartan ay iyagu isi soo dhiibeen kaddib markii ay arkeen in lasoo qalday.

Wasiirka, ayaa Dagaallada Gaalkacyo ku eedeeyay Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya. Wuxuuna ku tilmaamay hadalkii Wasiirka warfaafinta Somalia, Maareeye mid muujinayay sida dowladda federaalka Somalia ay taageerada u siinayso Galmudug iyo Al-shabaab

Ugu dambeyn, Labadan Askari ee Puntland ay soo bandhigtay, ayaa daba-socda war qoraal ah oo uu dhawaan soo saartay maamulka Puntland, kaasoo Dowladda Federaalka Somalia ku eedeynayay in dagaallada magaalada Gaalkacyo ka socda ay ka taageerayso Galmudug.

Si kasta ha ahaatee, Askartan ay Puntland soo bandhigtay ayaanay wax jawaab ah weli ka bixin Dowladda Federaalka Somalila iyo Galmudug oo dagaallo kula jirta Puntland. Mana jirto cid kale oo caddeysay in askartan at ka tirsan yihiin Sirdoonka Dowladda Federaalka.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
E-mail:
[email protected]  
Garoowe, Puntland - Soomaaliya