4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 12, 2016
Xukuumadda Itoobiya oo looga digay in Xukunka Deg-degga ah ay ku Hoos Qarsio Xad-gudubyo


Arbaco, Oktoobar 12, 2016 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa uga digay xukuumadda Itoobiya inaysan Xaaladda deg-degga ah ee ay Waddankeeda kusoo rogtay ku geysan Xad-gudubyo ka dhan ah bani’aadamnimada, gaar ahaan midda shacabkeeda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka, ayaa sheegay inay tahay in Dowladda Addis Ababa ay caddeyso sida ay u doonayso inay ku dhawrto Xuquuqda dadka rayidka ah, muddada uu soconayo xukunkan deg-degga ah oo gaaraysa lixda bilood.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel ayaa Talaadadii laga soo gudbay ugu baaqday Xukuumadda Itoobiya in ay shacabka u ogolaato xoriyad ay ku sameeyaan dibad-baxyo nabadeed.

Xukuumadda Washington, ayaa noqonaysa dowladdii u dambeeyay ee ku biirisa codkeeda walaaca caalamku ka qabo Xukunka Deg-degga ah ee ay Dowladda Itoobiya waddankeeda kusoo rogtay.

Arrintan ayaa imaanaysa kaddib markii bilooyin ay Itoobiya ka socdeen dibadbaxyo watay qalalaase oo looga Hor-jeeday Dowladda oo ay ku dhaqaaqayeen labada Qowmiyadood ee ugu ballaaran bulshooyinka waddankaas.

Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa intaa ku daray inay Xukuumadda Addis Ababa caburinta ay ku hayso shacabkeeda dhaliilaha u soo jeeda ay sii xumeyn karto Xaaladda haatan Waddankaas ka taagan.

Dhanka kale Qayb ahaan xukunka deg-degga ah ee ay dowladda Itoobiya saartay dalkeeda, ayaa waxaa ka mid ah in ciidammo u badan millatetri la geeyay magaalooyinka dalkaas iyo in la mamnuucay isku-soo-baxyada ay shacabku dalkaas dhigayaan.

Ugu dambeyn, Boqolaal ruux ayaa dhintay tan iyo markii ay dibad-baxyadu ka billowdeen Itoobiya bishii November ee Sannadkii hore, Dowladduna waxay qirtay in tirada dadka ku geeriyooday Dibad-baxyadu ay sii kordhi karto oo ay gaari karto ilaa iyo 500 oo ruux.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya