4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 12, 2016
Xoogaga Ahlusuna oo dagaal kaddib la Wareegay Deegaanka GODIN-LABE ee Gobolka Galguduud


Arbaco, Oktoobar 12, 2016 (HOL) — Xoogag taabacsan ururka Ahlu-sunna Wal-jamaaca, ayaa dagaal kula wareegay maanta deegaanka Godin-labe oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha, kaddib markii ay dagaal culus la galeen ciidamada Maamulka Galmudug ee gacanta ku hayay deegaankaas.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Godinlabe ayaa yimid, kaddib markii ciidan ka tirsan kuwa sirdoonka Galmudug ay weerareen malleeshiyo deegaankaas ay isbaaro u taallay. waxaana wax-yar kaddib dagaalkan ku biiray ciidammo ka amar-qaata Ahusunna Waljamaaca oo ka ambabaxay dulleedka degmada Dhuuso-mareeb.

Wararka ayaa intaa ku daraya, In dagaalkaan ay ku dhinteen afar qof oo la sheegay inuu ka mid yahay taliyaha ciidamada Ahlusunna oo magaciisa lagu sheegay, xmed Odawaa oo ku magac-dheeraa [Axmed Dheere], iyadoo tirada dhaawacana uu yahay 10-qof intooda badan ay ahaayeen labadii dhinac ee dagaalku dhexmaray.

Sidoo kale, Deegaanka Godinlabe oo qiyaastii 25-km u jira magaalada Cadaado ee Xarunta Maamul-goboleedka Galmudug, Waxaana Afhayeenka u hadlay Ahlusuna uu sheegay inay kula Dagaallameen deegaanka ciidammo uu ku tilmamay Galmudug iyo Al-shabaab oo soo weeraray deegaankaas.

Dhanka kale, Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin Dagaalka ay Saakay Deegaankaas kula galeen Xoogag ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca oo Dagaal uu kala dhexeeyay tan iyo sannadkii hore.

Ugu dambeyntii, Wararka ayaa sheegaya in weli deegaankaas ay dagaallo goos-goos ah ku dhexmarayaa ciidamada kala taageersan labada dhinac, inkastoo gudaha deegaankaas lasoo sheegayo inay ku sugan yihiin xoogagga  Ahlusunna Waljamaaca.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya