4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 12, 2016
Mareykanka: Waxaa naga go'an in lagu sameeyo baaritaan dhab ah duqeyntii duleedka Gaalkacyo


Arbaco, Oktoobar 12, 2016 (HOL) — War kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Nairobi, ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu si dhaw ula Shaqeynayo dowladda Federalka Somalia iyo Maamulada Galmudug iyo Puntland, si looga Hadlo Duqeyntii 28-kii Bishii September ee lasoo dhaafay Mareykanku ka geysteen Bariga Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

War-saxaafadeedka, ayaa lagu sheegay inuu Mareykanku ka war-hayo Wararka ku saabsan dhimashada iyo dhaawaca duqeyntaas ka dhalatay, isla markaana uu qaatay eedeymaha loo soo jeediyay.

Sidoo kale, Wasaarada Gaashaandhigga Mareykanka ayaa horay u sheegtay inay billowday baaritaanno ku aaddan duqeyntaas, isla markaa a ay qiimeyn ku sameynayso caddeymaha la xiriira duqeyntan Mareykanku geystay.

Danjiraha Mareykanka ee Somalia ayaa Bishaan Oktoobar Muqdisho Kulamo kula yeeshay odoyaasha, Hogaanka sare ee bulshada Koonfurta Galkacyo iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Wuxuu Danjiruhu kulan noocan oo kale ah la yeeshay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] iyo Saraakiisha Ciidamada Qaranka Soomaaliya, isagoo kala hadlay arrinta la xiriirta duqeynta.

“Mareykanku wuxuu doonayaa inuu hormariyo xiriirka wada-shaqeyneed ee ay la leeyihiin ciidamada Amniga Galmudug iyo kuwa Qaranka Somalia si loola dagaallamo Al-shabaab," ayuu danjiruhu hadalkiisa ku yiri.

Dhanka kale, Dowladda Mareykanka ayaa ku boorisay maamulada Puntland iyo Galmudug inay yeeshaan wada-hadallo lagu xallinayo khilaafka ka dhex-jira si loo gaaro xal nabadeed iyo dib u heshiisiin dhab ah.

Ugu dambeyntii, Mareykanka waxaa ka go’an buu yiri danjiraha inay si dhaw ula shaqeyso dhammaan Soomaaliya, si uu Dalku ku gaarto Nabad-galyo, Barwaaqo iyo ammaan buuxa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya