4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 12, 2016
Dagaal beeleed ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Dhuusamareeb

Arbaco, Oktober 12, 2016 (HOL)-Dagaal ayaa saaka ku dhex maray labo maleeshiyo beeleed dagaanka Qalanqale ee degmada Dhuusamareeb.

Ugu yaraan hal qof ayaa lagu dilay dagaalkaa oo saaka goor sii horeysay bilowday. Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacmay dirirtaa.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aanooyin hore iyo waxyaabo labada beelood ay kala tirsanayeen.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]