4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 12, 2016
Waxyaabihii looga hadlay maalinta gabdhaha caalamka ee sanadkaan oo shalay loo dabbaal dagay

Arbaco, Oktober 12, 2016 (HOL)-Shalay waxay ku beegneyd maalinta loo dabbaal dago hablaha caalamka.

Waxaa la sheegay ama la xusay in gabdho yaryar oo toban jir ah la guursado meelo kala duwan oo dunida ah.

Gabdhaha ayaa waxaa hayadaha samafalku sheegeen gaar ahaana weliba Save the Children in rag aad uga da'  weyn loo guuriyo.  Dalalka ugu badan  waxay sheegtay hayadaasi ee gabdhahaa intaa jira lagu guursado  inay yihiin Hindiya, Soomaaliya, Yemen iyo Afghanistan.

Qaxootiga Suuriya iyo Lebanon ayaa gabdhahooda oo yaryar rag u guuriya si ay wax uga helaan raggaa maadaama ay dhibban yihiin.

Dalka Nigeria 40% gabdhadha cidaha faqiirka ah waxaa badanaa lagu guursadaa 15 sano jir.

Guud ahaan dalalka saboolka ah ama dagaalada sokeeye ka jiraan gabdhaha ayaa waalidiintu badi aysan wax barin baddalkoodiina wiilasha ayaa iskoolada loo diraa ayana guryaha ayaa inay ka shaqeeyaan loo reebaa.

Waalidiinta ayaa sheega in gabdhaha hadii wax labaro ay hadhoow nimankooda iyo qoysaskooda ku anfacyaan ee aysan ayaga ku anfaceyn.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]