4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 12, 2016
Xukuumadda Federaalka oo Sheegay in Ciidammo Awood leh la Geynayo Magaalada Gaalkacyo


Arbaco, Oktoobar 12, 2016 (HOL) — Iyadoo weli ay Xiisado Colaadeed oo Galmudug iyo Puntland u dhexeeya ay ka jiraan Magaalada Gaalkacyo, ayay Dowladda Somalia, Waxay amar ku bixisay in degmadaas la geeyo ciidammo ka socda Xukuumadda Somalia, si looga hor-tago xiisadaha iyo dagaalada weli ka sii soconaya magaaladaas.

Wasiirka Warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa xusay in taliyaasha ciidamada la farayo inay ciidammo geeyaan Gaalkacyo si aanay mar kale uga dhicin colaado uu dhiig ku daadto.

“Xukuumadda Somalia waxay fartay taliyeyaasha kala duwan ee ciiamada in ay geeyaan Gaalkacyo ciidmmo awood leh, si colaadda loo hakiyo,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somalia.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Somalia ay Wax-garadka kala duwan ee magaaladaas ugu baaqayso inay ka qayb-qaataan sidii loo joojin lahaa colaadda uu dhiigga Soomaaliyeed ku daadanayo.

“Dowladdu way la xisaabtamaysaa madaxda Maamullada dagalallada weli ka socda Gaalkacyo ay u dhexeeyaan, sida C/weli Gaas iyo C/kariin Xuseen oo kala hoggaamiya labadan maamul,”  ayuu hadalkiisa ku daray Maareeye.

Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegayaa iyadoo ay Magaalada Gaalkacyo ka barakaceen dhammaan shacabkii ku noolaa, iyadoo lagu soo warramayo maanta in weli laga maqalayo gudaha magaaladaas rasaas goos-goos ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya