4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 12, 2016
Xoogagga Xarrakada Al-shabaab oo Afar Ruux ku dishay Deegaanka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan


Arbaco, Oktoobar 12, 2016 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Ceel-cali ee gobolka Hiiraan oo maalintii shalay isaga baxeen ciidammada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

Dadka deegaanka oo siyaabo kala duwan warbaahinta xiriir u la sameysay ayaa sheegay in afarta ruux ee la dilay labo ka mid ahaayeen laba nabadoon iyo laba ruux oo kale oo shacab ah, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay xiriir la lahaayeen ciidammadii meesha isaga baxay.

Sidoo kale, Xoogagga Al-shabaab ee deegaanka la wareegay qab qabteen tiro dad ah oo ka mid ah deegaanka Ceel Cali, lamana oga sidda ay ka yeellanayaan dadka u xir xiran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya