4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2016
Xisbiga Mucaaradka WADDANI oo soo Dhaweyn u Sameeyay Siyaasiyiintii ku Biiray (SAWIRRO)

Talaado, Oktoobar 11, 2016 (HOL) — Labadii Casho ee ugu dambeeyay waxa uu xisbiga mucaaradka ah ee WADANI soo dhoweeyey siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen siyaasiga ruug cadaaga ah ee Ismaaciil Mahdi Buubaa oo hore Xilal uga soo qabtay dawladihii kala dambeeyey dawladda Soomaaliya iyo siyaasiyiintii isbahaysiga dimuqraadiyad doonka xisbiga kulmiye ee ka cadhooday doorashaddii musharaxa madaxweynaha loo doortay Muuse Biixi Cabdi.

Xafladdo kala duwan oo lagu soo dhoweynayo siyaasiyiintan cul culus ayaa magaaladda Hargeysa lagu qabtay, kuwaas oo sheegay inay mucaarad adag ku noqonayaan xukuumadda iyo xisbiga taladda haya ee KULMIYE.

Sidoo kale, Boqolaal ka mid ah taageerayaasha isbedel doonka ah ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI, ayaa lu laayey calanka liimiga ah ee astaanta u ah xisbiga WADDANI sida oo kale na ku dhawaaqayey hadalo iyo erayo badan oo muujinaaya taageerada xisbiga ay ku biireen ee WADANI.

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Siyaasi Xamarje, Xildhibbaan Rayte iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan oo ka mid ah xisbiga oo halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn si ballaadhan u soo dhaweeyey siyaasiyiinta ku soo biiray Xisbiga WADDANI.

Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali X.Xasan oo dhankiisa isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay  in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ku soo biro Xisbiga WADDANI, waxaana uu tilmaamay in doonayaan in ay dalka ka badbaadiyaan maamul xumo soo wajahda.

“Aad baanu ugu faraxsanahay in aanu ku soo biirno Xisbiga WADDANI, ha noqdo midkii guuleysta, aan ahaano kuwii isku tiirsada, WADDANI ha noqdo kii guuleysta IshaAllaah, Waxa aan aad iyo aad ugu kalsoonahay in aad ahaydeen Xisbi qiimo badan oo waxa aan arkaynay sidii na loo qiimeynaayey ee intaas oo jeer na loogga daba-yimi, sannadkaa aan bannaanka joogay na waxa aan guddoomiyaha u qirayaa in uu yaha hoggaamiye, waxaana aan xasuusta in uu illaa lix jeer wax ka badan uu albaabkeyga soo garaacay oo uu ii yimi oo uu muujiyey in uu daneynaayo, saaxiibaddeyna nin aanu isla taagin ma jiro, nasiib darro na ninkii Xisbiga KULMIYE murashaxiisa loo cumaamaday xattaa sidaa Cabdiraxmaan habeena ismuu odhan ka daba tag bal in ay ku yeelaan.”.Ayuu yidhi Wasiir Xirsi  biixi

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr.Maxamed Biixi Yoonis oo isna halkaas ka hadlay, ayaa faah faahiyey afdaafta guud iyo mabaadii’ da ay isla qaateen Xisbiga WADDANI.

“Waxaanu ku raacnay Xisbiga WADDANI, waa mabaadii’ aanu isla qaadanay oo halkaas ku qornay, hawlahaas culus ee wadanka lagu badbaadinaya na waxa aanu galnay in aanu Xisbiga WADDANI ku dhaqmaan, fikrad cusub aanu u keeno, hoggaankeeda aanu wax maamulno, tallo la wada lee yahay oo ka gedisan tii hore ee juujuub ka ahayd in aanu maanta ku soo biirno.”.Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/rxmaan Cirro oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:" Walaaleyaal ragga halkan joogaa, rag xilal doonaya may ahayn oo waxa ay hayeen oo ku fadhiyeen xilalkii qaranka ugu waaweynaa oo mid kastaaba xil buu ku fadhiyey, haddii ay xilal hayaan iyo haddii ay rabbaan ba halkaas bay joogi lahaayeen, se waa kuwii halkan ka sheegay badbaadada Somaliland oo ay doonayaan in ay ka badbaadiyaan maamul xumo ku timaada Somaliland, annagu na taas baanu la qaadanay, ragga halka joogaa maanta waxa ay yimaadeen Xisbi la wada lee yahay oon la kala lahayn, waxa ay yimaadeen Xisbi aan la is-garbinayn se la is garabsanaayo. Beryahan dambe KULMIYE aad buu u faanaa, faanka uu ku faana na waxa aan is lee yahay waa inta halkan maraysa wax-qabadkoodii, waxaana ay diyaar u yihiin in intii ay halkaa ka qabteen iyo in ka badan ba in ay halka na ka sii wadaan.".

Dhinaca kale, Waxaa xaflad sidan oo kale ah iyaguna loo qabtay siyaasiyiin ay ka mid yihiin; Ismaaciil Hure Buubaa iyo wasiirkii hore ee xukuumaddii Daahir Rayaale wasiirka Qorsheynta ka ahaa Cali Sanyare.

Siyaasi Ismaaciil Hurre (Buubaa), oo hogaaminayey siyaasiyiinta reer Hargeysa eek u soo biiray xisbiga WADANI ayaa sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, waxaana uu sheegay in aanay noqon doonin oo kaliya siyaasiyiin ku soo biira Xisbiga balse ay noqon doonaan kuwo hormuud ka ah guusha Xisbiga WADDANI.

“Maanta warku halka uu maraayo iyo sida ay wax yihiin in aanu kolkii dambe aanu gidigayo isku afgaranay halka la maraayo iyo cududa dadweyne ee na aaminsan, noo na arka in aanu hormuud u nahay in aanu ku soo biirno Xisbiga WADDANI, ku soo biir kayagu na noqon maayo annagu na nimid, se waxa uu noqon doonaa mid wax weyn ku soo kordhiya Xisbiga iyo waddanka Somaliland ba. siyaabo faro badan ayey arrintaas u suuroobi doontaa, ama ha noqoto Xisbiga oo tayeyntiisa iyo saarayntiisa maamul ba aanu hubno in aanu wax ku soo biirin doono oo suuro-gal u noqota in uu noqdo Xisbiga koowaad ee ku guulaysta Doorashooyinka soo socda.”. Ayuu yidhi Buubaa

Wasiirkii hore ee wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland Inj.Cali Sanyare oo isna halkaas ka hadlay,ayaa yidhi “Markii aanu wax eegnay, markii aanu falan-qeynay xaaladda guud ee dalka, waxa aanu qaadanay in dalkani uu isbedel u baahan yahay deg-dag ah. haddii aan isbedel imanna waxa aan saadaalin karnaa in dalkan meel fog laga eegi doono, laba wax baana dhici kara haddaan isbedel iman, innaga oo la innaga dhex tooso oo dad aynu garanynaa ay innaga dhex toosaan iyo iyada oo kacdoon bulsho oon la xakameyn karin ay dhacaan, markaa waxa aanu garanay in aanu Xisbiga WADDANI ku soo biirnno oo aanu is lee nahay waa Xisbi keeni kara isbedel run ah.”

Si kastaba ha ahaatee, siyaasiinta kolba xisbi u digo roganayaa ayaan Somaliland wax cusub ku ahayn, waxaana mar walba xafladdo loo qabta siyaasiyiin xisbiga ka baxay iyo kuwo xisbi soo gallaya, taas oo sunno ka noqotay xisbiyadda Somaliland.

Dhinaca kale, siyaasiyiin biyo diiday shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga WADANI ayaa la baxay garabka toosinta xisbiga WADANI, kuwaas oo dhaliilo usoo jeediyey qaabka xisbiga loo waddo iyo qaabka shirweynaha loo qaybsanayo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland