4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2016
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo si Kadis ah loogu arkay Maqaayadaha Hargeysa (Sawirro)

Talaado, Oktoobar 11, 2016 (HOL) — Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa si lama filaan ah lagu arkay isagoo ka qadaynaya maqaayad yar oo cuntaddda laga cuno oo ka mid ah makhaayadaha ugu mashquulsan ee dadka caadiga ahi wax ka cunaan.

Madaxweyne ku xigeenka oo ku gudo jiray kormeer hawleed la xidhiidha dhismaha wadooyinka iyo wershada dawlada hoose ee Hargeysa ay hirgelisay, ayaa madaxweyne ku xigeenku waxa uu soo maray kana qadeeyeen Asli Restaurant oo ku taalla xaafadda Jig-jiga yar, waxaana uu si kadis ah ugu leexday madaxweyne ku xigeenku makhaayadan cuntadda, ka dibna wasiiradii la socday iyo maayarka Hargeya ayaa dib ugu noqday oo hoteelkii kula qadeeyey.

Waxaana madaxweyne ku xigeenka qadadda kula weheliyey  Maayarka Caasimada Hargeysa, Maayar ku xigeenka Caasimada, Wasiirka Arrimaha gudaha, wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada, Wasiiru Dawlaha Biyaha, wasiirudawlaha Arrimaha dibeda, wasiir ku xigeenka qorshaynta Qaranka, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka caasimada,  iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Goobtaasi oo ahayd goob ganacsi balse aanay shacbigu ka filayn in madaxweyne ku xigeenku si kedisa uu ugu leexdo kana qadeeyo taasi oo shacbigii ku sugnaa goobtu ay aad u soo dhaweeyeen ku simaha madaxweynaha, waxa sidoo kale dareenkeeda ka hadashay mulkiilaha Asli Restaurant oo ah qof haweenay ah ayaa u  mahadnaqday madaxweyne kuxigeenka inuu ku soo baydho shacbigiisana uu la qadeeyo, waxaanay sheegtay in markii ugu horaysay ay tahay in madax sarsare  oo intaa leeg oo ka socda xukuumada ka qadeeyaan hoteelkeedda.

Ugu dambeyn, Maqaayad laga cunteeyo oo ku taalla wadadda hareerteedda, isla markaana Sandaqad ah, waxa ka cunteeya dadka danyarta ah, iyo shacabka iska caadi ah, waxaanay haweenaydii maqaayada lahayd aad ugu faraxday masuuliyiin sarsare ee makhaayadeedda soo booqday.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland