4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2016
SAWIRRO: Saraakiil ka Socda AMISOM iyo Dowladda FS oo Maanta Gaaray Degmada Cadaado


Talaado, Oktoobar 11, 2016 (HOL) — Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Jen. Cismaan Subagle, Abaanduulaha Ciidamada xoogga, Jen. Cali Baashi, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Sannadkan Dalka ka dhacaysa, iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa Maanta Gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud oo ah Xarun KMG-ka ah ee Maamulka Galmudug.

Xubnaha Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Cadaado kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Maamulka Galmudug, waxayna u tageen degmadaas sidii ay u komeeri lahaayeen Goobaha loo Calaamadeeyay doorashada dadban iyo saldhigyo ay ciidamada AMISOM ka degayaan degmadaas.

Sidoo kale, Wafdiga ayaa la kulmay madaxweynaha Maamulka Galmudug ku-xigeenkiisa, iyo saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka ee Cadaado ku sugan, iyagoo kala hadlay xaaladaha amni ee degmada Cadaado iyo sidii loosii xoojin lahaa inta doorashada lagu jiro.

Dhanka kale, Wafdiga ka socda AMISOM iyo Dowladda Somalia ayaa waxay kormeereen dhammaan saldhigyada la geynayo ciidanka AMISOM si Amniga goobaha doorashadu ka dhacayso iyo madaxda booqashada ku tagaya.

Ugu dambeyntii, Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Cismaan Subagle, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Somalia, Jen. Cali Baashi iyo Saraakiisha la socota ayaa la Filayaa inay cadaado ku sugnaadaan labada maalmood ee soo socota.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya