4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2016
Puntland oo Dagaallada Gaalkacyo ku eedeysay Dowladda Federaalka iyo Galmudug: AKHRISO

Talaado, Oktoobar 11, 2016 (HOL) — War-saxaafadeed Madaxtooyada Puntland laga soo saaray maanta, ayaa lagu sheegay in maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka ah oo iskaashanaya ay weerarro is-daba-joog ah kuqaadeen Magaalada Gaalkacyo maalmihii ugu dambeeyay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Dagaallada Gaalkacyo uu billowdeen kaddib markii Madaxweynaha Galmudug uu sheegay inuu Gaalkacyo ka taliyo hal maamul, iyadoo intaas lagu daray in Waqooyiga Gaalkacyo ay ciidamada Galmudug iyo ku Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garaaceen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay waxyeello kasoo gaartay shacab, ayna ku burbureen dhismayaal.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]  
Garoowe, Puntland - Soomaaliya