4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2016
Ciidamada Itoobiya ee Hawl-galka AMISOM oo isaga baxay Deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan


Talaado, Oktoobar 11, 2016 (HOL) — Ciidamada dalka Itoobiya ee ka tirsan Hawl-galka Midowga Afrika AMISOM ayaa saacadihii ugu danbeeyay isaga baxeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraaan.

Wararka soo baxaya, ayaa sheegaya in ciidammada Itoobiya isaga baxeen saldhig ay ka degenaayeen deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan, iyaga oo u ruqaasaday dhinaca xadka gaar ahaan deegaannada dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Waxaa siddoo kale halkaa isaga tagay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo ku wehlinayay deegaannadaas ciidammada dowladda Itoobiya.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka Ceel Cali ayaa warbaahinta u sheegay in ay lama filaan ku noqotay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya, halkaasoo aheyd goobihii dagaalada culus ka dhaceen ka hor inta aanay la wareegin.

Ugu dambeyntii, ka bixintaanka deegaannadan ee ciidamada ee eegaannadii ay kaga sugnaayeen gobolka Hiiraan ayaa imaneysa xilli dhawaan filayo in dalka ay ka dhacdo doorasho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya