4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2016
Xasan Shire: Xuquuqda haweenku waa xuquuqda aadanaha, waana in la xushmeeyo 30%

 

Talaado, Oktober 11, 2016 (HOL)-Guddoomiyaha Mashruuca ururada bulshada rayidka ah ee Aragto-Ifiso Xasan Shire Sheekh ayaa sheegay inay maalmihii ugu dambeeyay ay la socodeen howlaha doorashada iyo xulista Aqalka Sare ee odayaasha, wuxuuna ugu baaqay maamul goboleedyada iyo odayaal dhaqameedka inaysan ku xadgudbin qoondada haweenka ee 30%.

 

Xasan Shire wuxuu sheegay in ARAGTO-IFISO ay boogaadineysaa maamulka Koofur-Galbeed oo u hoggaansamay go'aankii guddiga doorashada heer federaal iyo heshiiskii madasha wadatashiga qaran ee National Leadership Forum ee ahaa inaan lagu xadgudbin kootada haweenka ee 30%, isla markaana maamul goboleed kasta uusan muran galin..

 

"Waxaan ugu baaqeynaa maamul goboleedyada kale sida Galmudug, Puntland, iyo Juabbaland inay dhinacooda tixgaliyaan qoondada haweenka, isla markaana wax ka badalaan liiskooda; ma dhici karto xulasho haween la'aan ah" ayuu yiri Xasan Shire oo ah madaxa mashruuca ARAGTO-IFISO.

 

 

 "Guddiga doorashada waxaan ugu baaqeynaa inuusan aqbalin soo gudibn aan waafaqsaneyn heshiisyada iyo go'aanadda kor ku xusan" ayuu sii daba dhigay Xasan Shire.

 

"Xaquuqda haweenku waa xaquuqda aadanaha, cid kasta oo isku dayda inay ku xadgudubtana waan uga digeynaa" ayuu sharraxay mudane Xasan Shire.

 

ARAGTO-IFISO waxay sidoo kale boogaadineysaa guddoomiyaha guddiga doorashada dababan Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) dadaalkiisa ku aaddan habsmida iyo hannaanka doorashooyinka oo uu xilgaar ah iska saaray.

 

Faarax Cali (Faarax Blue)
Hiiraan Online

[email protected]