4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2016
Shir lagu Taageeray Wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo oo ka dhacay Magaalada Buuhoodle


Talaado, Oktoobar 11, 2016 (HOL) — Degmada Buuhoodle ayaa lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen Cuqaal, odayaal-dhaqameeed, siyaasiyiin, ururadda haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kaasoo lagu taageeray maamulka Khaatumo iyo siyaasadiisa ku aaddan Wadahadallada Somaliland. Waxaa kaloo Shirkaan looga soo Hor-jeestey Shir ay Isimadu iclaamiyeen dhawaan inuu ka dhaco Buuhoodle.

Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray afar qodob, waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray nabad-gelyadda gudaha iyo darisyada, iyadoo loogu baaqay in shacabku ay u midoobaan amniga deegaanka.

Caaqil Maxamed Nuux oo ku hadlayay afka Cuqaashii shirka joogtay ayaa ugu horeyn soo dhoweeyay maamulka Khaatumo iyo wadahadalka uu Somaliland kula jiro.

"Wadahadallada waa in Amni aan helno, Maamulkana waan ku taageeraynaa, iyagaa u xil-saaran Siyaasadda, meel aan waddanka ahayn buuna ka dhacayaa wax inoo qalma ayaan ku heshiin doonnaa waxaan noo qalmina ma qaadan doono," ayuu yiri Caaqil Maxamed.

 

Dhanka kale, Aadan Cali Axdar oo isna ah caaqil ka hadlay shirka ayaa ayaa kasoo hor-jeestay shir ay dhawaan iclaamiyeen Qaar ka mid ah Isimadda deegaanka, wuxuuna xusay in shirkaas uusan ka dhici doonin Buuhoodle.

"Ninka leh maanta shir aan maamulka Khaatumo ogeyn baa Buuhoodle lagu qabanayaa, kaas been buu sheegay," ayuu yiri hadalkiisa ku daray Caaqil Axdar.

Ugu dambeyn, Shirkan ka dhacay Buuhoodle ayaa daba-socday shirar horay uga dhacay deegaanka, waxaana soo if-baxaysa kala aragti duwanaanta bulshada deegaanka ee dhinaca siyaasadda.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool