4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2016
Ugaasyo horey u diidanaa maamul u sameynta Sh. Dhexe iyo Hiiraan oo kusoo biiray Shirka Jowhar


Talaado, Oktoobar 11, 2016 (HOL) — Magaalada Jowhar, ayaa maanta waxaa soo gaaray Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec iyo Ugaas Cali Ugaas Xasan Ugaas Raage ee ka biyo-diiddanaa shirka degmada Jowhar ee maamul u Sameynta Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, kuwaasoo Magaalada Beledweyne ka yimid.

Ugaasyadan ayaa degmada Jowhar waaxaa kusoo dhaweeyay xubno Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia ka tirsan, Waxaana kulan la qaatay odayaasha Wasiirka Arrimaha Gudaha Craxmaan Xuseen Odawaa, Waxaana Wasiirku tilmaamay in ay aad u soo dhawaynayaan Ugaasayada soo gaaray Jowhar, si ay ugu biiraan dhameystirka dhismaha maamulka Hir-shabeelle.

Inkastoo ugaasyadan hore u diiddanaa Shirka Jowhar ay Aqbaleen Shirkaan, ayaa haddana Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu weli ka biyo-diidan yahay kasoo qayb-galka shirka xilligan degmada jowhar.

Ugu dambeyn, Imaanshaha Waxgaradka ka socda Gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaysa xilli Dowladda Mareykanka ay kasoo horjeesatay shirka ka socda Jowhar oo haatan at ku dhaw-yihiin hawlihiisu gabo-gabo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya