4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 11, 2016
Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweynha Maamulka Hirshabeele

 

Talaado, Oktober 11, 2016 (HOL)-Munaasabad ballaaran oo uu ku soo bandhigayay musharaxnimadiisa Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta lagu qabtay Hotel Safa ee magaalad Jowhar.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne faro badan oo ay ku jiraan duubab dhaqan,xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle,ururada haweenka,dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

XIldhibaan Cabdullahi Maxamuud Caddow oo ka mid ah xildhibaanada maamul goboleedka Hirshabeele oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in ay bulshada labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan oo hore ugaga maqnaa saaxada dalka ay shalay shacabka labada gobol dib ugu soo laabteen kadib dhaarintii shalay ee xildhibaanada.

Sidoo kale waxaa ka hadashay munaasabadan guddoomiyaha haweenka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Shiikh Axmed waxayna ugu baaqday musharaxa Dr Maxamed Cabdi Waare in haddii uu ku guuleysto in tixgelintooda ay helaan  haweenka Hirshabelle.

Suldaan Axmed Rashiid Shiikh Shuceyb oo ka mid ahaa duubabkii dhaqanka ee ka qeybgalay munaasabada ayaa soo dhoweeyay musharxnimada Dr Maxamed Cabdi Waare waxana uu u rajeeyay in uu ku hogaamiyo bulshada maamul goboleedka cadaalad iyo horumar.

Musharax Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay howlaha uu qaban doono haddii uu ku guuleysto xilka madaxtinimada maamulka Hirshabeele isagoo sheegay in uu wax ka qaban doono dib u soo celinta haykalka dowladnimo,dhisida kaabayaasha dhaqaale iyo adkeynta amniga iyo kala dambeynta.

“Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii loo soo celin lahaa amniga iyo kala dambeynta,dhisida kaabayaasha dhaqaale,dayactir lagu sameeyo wadooyinka,shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada  iyo dhismaha Haykalka dowladnimo.”ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Musharax Waare ayaa sheegay in maamulka uu gaarsiin doono dhammaan xuduudaha gobolka deegaan walbana uu heli doono waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Musharax Waare oo aqoonyahan muddo dheer ka soo shaqeynayay gobolada maamulka Hirshabeele ayaa sheegay in uu gaarsiin doono dowlad goboleedka mid dhaqaalihiisa uu noqdo mid laga dareemo dalka iyo dibadiisaba.

“Waxaan ballanqaadayaa haddii la ii doorto in haweenka doorkoodu uu noqdo mid maadaama ay haweenku yihiin saldhiga reerka iyo saldhiga bulshada.”ayuu yiri musharax madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Musharax Maxamed Cabdi Waare ayaa ka mid ah musharixiinta isu soo taagtay xilka madaxtinimada maamulka Hirshabeele.

Mustafa Hussein
Hiiraan Online
[email protected]