4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2016
Mucaaradka Djibouti oo sheegay in cabburin lagu hayo

Talaado, Oktober 11, 2016 (HOL)-Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa cabasho ka muujiyay in dawladu cabburin ku heyso.

Gaar ahaan, xildhibaanada baarlamaanka dalkaasi Jabuuti ayaa cabasho xooggan ka muujiyay in afka la qabto ama in mikarafoonka laga xirto markii ay doonayaan inay soo jeediyaan aaraadooda iyo xalalka ay rabi lahaayeen in la sameeyo. Waxay sheegeen in sidaa lagula kaco aqalka baarlamaanka gudihiisa.

Xildhibaanada  mucaaradka ah ee dalkaasi Jabuuti ayaa warbaahinta la hadlay ayagoo ka cabanaaya arinkaa.

Xildhibaanadaa ayaa waxaa ku jira Ducaale Cige Coofle iyo kuwo kale.  Wuxuu sheegay in mucaaradku hayo qorsheyaal maamul oo wanaagsan ama ka wanaagsan sida dawladu haatan wax u maamuleyso.

Hase ahaatee, dhanka kale,  afhayeenka golaha baarlamaanka Jabuuti, waa Xildhibaane Xassan Saciid Qumane ayaa gaashaanka u daruuray sheegashadaa.

Wuxuu Mr. Qumane sheegay in warkaasi uusan run ahayn mucaaradkana aanan la cabburin gudaha baarlamaanka iyo dalka Jabuuti guud ahaan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]