4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2016
Qarax hal qof uu ku dhintay Suuq Bacaad, Muqdisho

Talaado, Oktober 11, 2016 (HOL)-Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qarax shalay Isniintii ka dhacay Suuq Bacaad, magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo xiray gaari waxaana qofka dhintay maahee ku dhaawacmay ugu yaraan saddex qof oo kale. Suuq Bacaad ayaa ah suuqa labaad ee ugu weyn caasimada Muqdisho.

Af hayeen u hadlay dawlada hoose, Cabdifitaax Xalane ayaa sheegay in ciidamada ammaanku falkaa kadib ay soo xireen qof laga shakiyay inuu geystay oo inuu Al-Shabaab ka tirsan yahay looga shakiyay.

 

Qofkaa ciidamada ammaanku ay gacanta kusoo dhigeen ayaa la sheegay inuu asagu ahaa qofkii waday gaarigaasi qarxay.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay in qaraxaasi ay ka dambeysay.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]